Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa ka dhaxeeya khilaafka Farmaajo iyo Rooble, iyo qaraxyada Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodo u muuqda inay xaaladda uga sii darayaan ayey baafinayaan qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ah iyo jamaahiirtooda. Caasimadda waxaa kusoo laabtay waayadaan dambe qaraxyo.

Afartii qarax ee ugu dambeysay ee Muqdisho ka dhacay waxaa dhammaan loo ekeysiiyey kuwa xambaarsanaa dano siyaasadeed.

Qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Africa, mid dhawaan ka dhacay wadada 21-ka October iyo midkii ugu dambeeyey ee lagu dhaawacay afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa kusoo beegmay xilli ay jirto xurgufta madaxda sare.

Tuhunka marka laga tago waxaa jira dad Siyaasiyiin ah oo u bareeray inay isku xiraan xaaladda kacsan ee siyaasadda iyo qaraxyadaas.

Haddaba dooda aan weli dhinaca loo ridin waxay tahay macquul ma tahay in arrimahaasi is waafaqi karaan?

Waxaan la hadalnay qaar kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, marka Koowaad Qarax is-miidaamin ah oo uu fuliayo qof naftiisa dilaya waxa ay dowladda federaalka ah ku yeelan karto abaabulkiisa waa mid aad u yar.

Dhibka ugu badan inuu iyagu gaarayo waa caddahay, laakiin inay iyagu fulin karaan waa arrin mustaxiil ah. Askari dowladda federaalka ah ka tirsan waligiis isma qarxin, inay is qarxiyaan iska dhaafe qaarkood sida shacabka ayey uga dhuuntaan goobaha bartilmaameedka ah.

Waxaa la isku raacsan yahay haddii uuba qaraxu yahay is-miidaamin wuxuu ka billowdaa kuna dhammaadaa kooxda Al-Shabaab.

Mid waa macquul, waana inuu jiri karo xiriir xubnaha dowladda qaar la yeelan karaan Al-Shabaab, laakiin taas kama badan karta xog is dhaafsi ayey leeyihiin khubarada amniga ee aan la hadalnay.

Uma badna inay isla qorsheyn karaan qofka iyo goobta. Al-Shabaab isku xukun ayey marisaa dhammaan dadka dowladda federaalka u shaqeeya, isla iyagana talo kama waydiineyso cidda ay dileyso, ayuu yiri mid kamid ah sarakiisha aan la hadalnay.

Dad badan waxay qabaan in qaraxyada ismiidaaminta ah iyo xurgufta madaxda sare inaysan cilaaqaad laheyn ama yeelan karin.

Haddii ay qaraxyo ahaan lahaayeen miinooyin dhulka lagu aasay ama weeraro toos ah dooduhu waxay heli lahaayeen dad xoogaa dhageysta oo tuhun ayey abuuri lahaayeen.

Xilliga doorashada iyo Amniga

Doorkii doorasho ee ugu dambeeyey ee Soomaaliya waxaa xilliga doorashada la dilay dad kala duwan oo qaarkood kasoo horjeeday madaxdii xilligaas xilka heysay, qaarkood weerar toos ah oo gaadiidkooda lagu qaaday ayaa lagu dilay bartamaha wadada Makka Al-Mukarama.

Qaraxyo iyo Hoteelo la weeraray ayaa sidoo kale dadka qaar lagu beegsaday, haddii la isku xiro weerarada iyo qofka xukunka haya markaas dhammaan madaxdii dalka xukumeysay 12-kii sano ee lasoo dhaafay waxay noqon doonaan dambiilayaal, ayey leeyihiin xeel dheerayaashu.

Arrintaan uma fududa sida dadka qaarkiis u dhigayaan. Waxaa la aamisan yahay in mar walba xilliga doorashada inay Al-Shabaab beegsadaan dadka muhiimka u ah xaaladda taagan, balse siyaasiyiinta qaar ayaa isku dayaya inay arrimaha qaar u adeegsadaan olole siyaasadeed.

Waqtigaan la joogo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasad ahaan is diidan, laakiin taasi kama dhigna inay madaxda isku badalaan argagixiso.

Siyaasiyiinta is waafajinaya labadaan kiis ee khilaafka madaxda iyo qaraxyada is-miidaaminta ah waxay si weyn usii kala fogeenayaan bulshada, waxay dambiilayaal ka dhigayaan madaxda is-haysa, waxay dhaawacayaan dowladnimada, waxay shacabka ku abuurayaan in dhinacyada oo dhan ay ka aamin baxaan, waxayna fariimahooda keeni karaan in xaaladda amniga sii xumaato.

Xeel dheerayaasha Amniga waxay leeyihiin; in siyaasiyiinta xukmiyaan qarax walba cidda ka dambeysa iyagoo danahooda eegaya, waxay jeexi kartaa ama abuu kartaa isbeegsi aan hadda jirin oo dowladda dhexdeeda ah, waxayna qaarkood ku talinayaan in laga fogaado arrintaas.

The post Xog: Maxaa ka dhaxeeya khilaafka Farmaajo iyo Rooble, iyo qaraxyada Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this