Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 19, 2022 Maryooleey ninkaan aflagaadeynaayo maxee ismoodaan yihiin? Sacuudiga markee tagaan waxa loogu waco ma ogyihiin. Soomaalida oo falcelin laga naxo ka bixiyey imaatinka safiirka cusub ee Sacuudiga Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa si xadgudub leh oo laga naxo uga falceliyey kulan maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo looga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sucuudiga usoo dirtay Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa barteeda Facebook ku baahisay sawirada Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomaya safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Almowallad. Dad badan oo ka falceliyey arrintaas ayaa si akhlaaqda ka baxsan u weeraray safiirka cusub ee dowladda Sacuudiga ay u soo magacowday Soomaaliya, marka loo eego dhanka midabkiisa oo uu yahay nin madow ah, ayaga oo hadallo cunsurinimo ah kula kacay safiirka. Dadka qaarkood ayaa soo dirista safiir madow ah ku qeexay ina ka dhigan tahay in Sacuudiga yasayo Soomaaliya, waa sida ay qoraalka u dhigeen’e. Hase yeeshee dadkaas ayaa ah kuwa aan xog badan ka haysan in Sacuudiga ay ku nool yihiin dad badan oo madow dhalad ah, oo xitaa qaarkood dalkaas uga horeeyey dadka Carabta ah. Waxaa yaab leh in dad Soomaali ah oo madow ay haddana cunsuriyeeyaan qof kale oo madow, oo weliba ah Muslim ku diin ah, taasi oo muujineysa heerka ay Soomaalida ka gaareen kibirka iyo isla weynida. Weerarka lagu qaaday safiirka Sacuudiga ayaa ceeb iyo magac dal ku ah umadda iyo dowladda Soomaaliyeed, waana in dowladda Soomaaliya ay cudur daar ka bixisaa arrintan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted January 19, 2022 Somali, I sometimes think their whole problems start with identity crisis Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 20, 2022 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 20, 2022 Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted January 21, 2022 Very tall man, Welcome to Somalia 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 21, 2022 I just looked back at the sawirka uu la taaganyahay madaxweynaha. Dhererkiisa maba ii muuqan, ileen nin dheer waaye. Waxaa maqli jiray dadka gaaban notice taller people first. Marka Maakhiri awgaaboow maa tahay? Quote Share this post Link to post Share on other sites