Siman Posted July 23, 2003 Ma geyoon ma gamashiyin ma gommodin ma gaaggixin ma gabloolin maan gudhin mana gabin halkaygii Gabaygiina maan deyn Imminkaan gardaadshoo Weli maan gunaanadin ......... Hablihii wax geli jiray Hablihii Wax goyn jiray Hablihii wax gudi jiray Goldaloolo iyo ceeb Hablihii ka guban jiray Hablahaan gankoodiyo Hilbahooda gadan jirin Hadii aad gumaysaan Guulguul ku laysaan Gelin qudha ku mooddaan Gabbalkooda dumisaan Hadba tooda goosha ah Ganacdeeda jebisaan Dadku gabanno-xoor iyo Garacyaley yidhaahdaan Innagoo gumoowniyo Dhaqan guurnay weeyaan! Gocashada xanuunka leh Waxaan uga gol leeyahay Godob aabbe falay baa Ubadkiisa gocondhiyo Gumar shidan ku noqotoo Gebi dheer ku dumisee Ninka inan ma geyda ah Gurrac kaga danaystee Gol-qaniin ku maalow Gefka aad falaysiyo Gashigaad cunaysaa Ruuxay ka go'an tahay Gabadhaada weeyoo Xumahaad geleysiyo Waxaad geysanaysaad Galab kale ka sheekayn! Gebagebada sheekada Bal aan soo gunaanado Guddoonsiiyo jiiftada Gebigeed adduunyadan Gobol gobol u qaadoo Hablo weerar geli kara Hablo geela dhicin kara Hablo geesi dili kara Gobanimana hanan kara Hablo talada goyn kara Garta madal ka niqi kara Garashada isaga mida Quruxdana ka wada goba Geeskeenna mooyee Geyi kale ma joogaan!! Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi from Hal-Aqoon Journal of Somali Literature and Culture Quote Share this post Link to post Share on other sites
Blessed Posted July 27, 2003 Siman, You know, I absolutley and totaly LOVE that song. It so beautiful when our men praise us like that isn't it? Quote Share this post Link to post Share on other sites
guleedyare Posted July 27, 2003 Thanks Siman Hadraawi is my hero not only for his beautiful poems but also he is conducting peace march in every Somalian cities. Here is one of many i wrote for my mali queens I hope you people like it. Qaban qaabadaan wadayee gabadhaan lahaa racaaye sow tan daris kayga noqotee qaybaha aduunyada aan qaar badan kasoo maray adaan kaa qiyaastoo waa qiiro caashaqu waad qiimo galisaa todoba sano iyo bilahaa aan is naqaanana wali quruxow moyee qalad kaama aan maqal kimis malaba lagu qoray qureesh tii samaysaaye waan kuu qushucoo quruuntaan ahayn iyo aan qarankii u noqonoo caanihii qaboobaa aan wada qurqurinoo qalanjadii haweenkee qaalida ahaydeey waynu aqal galaynaa waynu aqal galaynaa waynu aqal galaynaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xafsa Posted July 27, 2003 war nimankeen maxaa saas u diiday!!! Haddi mid walba saas laga helaayo maanagaaba dacwadeena la maqli lahaa! Those were both really nice. thanks guys. peace and luv Quote Share this post Link to post Share on other sites
Siman Posted July 27, 2003 guleedyare, Did you wrote that yourself? Wow, Hadrawigii labad baad noqon rabtaa ma istiri! Hablah Geeska Africa Song is much longer than I posted here, and it is more magnificent when U read the whole thing. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Blessed Posted July 29, 2003 Wrayaa, guuleeed, ileeyn daba ma shdeysid.. that was hectic bro. Man Sha Allah, please post more of your poetry when you get the time. I really love hadraawis poetry, espcially Sirta Nolosha and Jacayl Dhiig ma lagu qorey.. those poem are just full of philosophy Quote Share this post Link to post Share on other sites
guleedyare Posted August 2, 2003 thanx to all of you.siman anaa qoray walaalo ameenah jacayl dhiig malagu qoray i love that poem isha Allaha i will post more in the future. Quote Share this post Link to post Share on other sites