Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaan U Arkaa In  Maxakamaddu Ka Joogsatay Shirqoolkii Laga Soo Abaabulay Madaxtooyada Ee Sharcidarrada Ahaa….” Mowqifka Xisbiga WADDANI Ee Go’aankii Maxkamadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan soo dhaweynayaa qaraarka Maxakamadda Dastuuriga ahi ay dib ugu celisay dacwaddii xildhibaannada. Taas oo sidii aannu horeba u sheegnay ahayd mid waddadeedii sharci laga duway. Waxaa kale oo aan waafaqsanahay dhaqangalka Xeer Lr 14/2011, kaas oo golihii hore soo saaray kuna saxeexanyahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Madaxweynihii hore ee JSL Axmed Maxamed Siilaanyo.

Nuxurka Qaraarka Maxakamadda:

1. Dacwaddii 46ka xildhibaan way laashay.

2. Waxay ayidday xeerkii dhaqangalka ahaa.

Waa Ilaahay mahaddii, waxaanan u arkaa in  Maxakamaddu ka joogsatay shirqoolkii laga soo abaabulay Madaxtooyada ee sharcidarrada ahaa. Mar kastana waxaannu diyaar u nahay in aannu u hoggaansanno Shuruucda dalka, Maxkamaddana waan ku bogaadinayaa in ay sharciga ilaaliso, shaqadeedana ku ekaato.

Waa guul, waxaanan leeyahy dhammaan taageerayaasha Waddani iyo guud ahaan bulshadda Somaliland: Sharcigaa inoo ballan ah.

W/Q Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this