Xafsa Posted July 6, 2003 I don't know why I haven't been reading somali poems before...I'm starting to see what a rich and amazing language we have. Here are a few somali poems/ halqaad I enjoyed reading. Amaan Dumar Maxamed Nuur Fadal (HJ) 1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso 2. hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye 3. dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye 4. dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise 5. hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane 6. meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay 7. dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay 8. dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda 9. dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo 10. dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso 11. cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda 12. dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e 13. saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda 14. sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay 15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay 16. dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho 17. ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto 18. dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso 19. kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo 20. dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe 21. dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade 22. inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye 23. dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye 24. dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde 25. sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere 26. inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya 27. dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa 28. dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya ~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~ Cumar Xuseen (Austerelie), (HA) Gabayga soo dhamaytir hadaada hayso. Qureeshkeeda Faadumo haddaan qaar ka mid ah sheego Tallaabada qallooc uma dhigtee way qotomisaaye Qalbigaa ku faaraxa markay qaaddo laafyaha'e Allaw hayga soo qaban intaan Qalanjo gaadhaayo ~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~ Haddaad Dhimato Geeridu marbay nolosha dhaantaaye Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu xaaraane Dhadhan malaha aadmigu wuxuu kugu dhalliilaaye Dheddigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abade ~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~ Cilmi Boodhari Dayax ka muuqdheer Nimanyow dabuub gabay beryaha kuma danuukhayne Kolba aniga oo daayey baa igu diraysaane Idin diidi maayee waxaan dood u celin waayey Mid duusho yarbaa eabahay iigu daw galayey Aqal daahyo weyn derged iyo daar middaan galaba Dalaalimo habeenkii haddaan meel dudda a seexdo Dayax iiga muuqdheer midduu duunku caashaqaye Iga daaya hadalqaadkedu waa iiga darayaaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xafsa Posted July 30, 2003 I can't believe non of y;all read this..! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Batuulo Posted July 30, 2003 a/c wr wb.. woow flying nice topic gacalo i like it, gabayada aan ka xiiseeyo somalida mid ka mid ah waa kan:-- Allow yaa af lama daaliyee iga asluubaysta Sayid Maxamad Cabdulle xasan `Xuseenow caqligu kaama baxo, idam llaahaye Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye lfkana waaya noo joog, niinaan aaminaad tabeye Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu khayre Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaaye e' Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye Hawl kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye Alla igama qaadow adaan, kala illaaweyne Eedaanka maqal waa salaad, loo addimayaaye llaahi abuuraba kuwii diiday, amarkisa Ambiyaalihii iyo kuwii, owliyada caayay Asxaabtii dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday lkhyaarkooda nimankii kufiriga, ugu adeegaayey Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey Kuwii ubad nasaaraad noqdee, ferenji aanaystay Nimankii amxaara u kacee, Adarinuu guurey Oo Aw-Cabaas diley, dadkaan eedi kala gaarin Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey Nimankii amxaara u kacee, adarinuu guurey Oo Mililikh aabbe u yehee, u arrin qaadaayo Oo xabashi eegi u noqdee, u ololaynaayey Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey Afbakayle nimankii kufriga, uraya noo keenay Ee oodagooyiyo na dhigay, aydii daratoole Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey Ragga ehelukhayrkaa warmaha, kala ajoon waayey Oo umal daraadiis girliga, ugu afuufaayey Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imanaayey Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haystey Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay Nimankii iniinaha ka dhigay, ilig wixii joogay Ee Eerago iyo Batalo, igu uquumeeyey Ee omoska Beerdhiga tukaha, igu ormaysiiyey Nimankii ayaantii Gumburo, oboda ii dhiibay Ardaashii Jidbaale i heshee, igu unuun goysey Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey Nimankii adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay Nimankaan Ilaahow lahaa, ayda iga doono Abaalkayga nimankii ba'shee, ii istixayn waayey Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey Nimankii ijaabada ka tegey, aakhiru sabanka Nimankii iblays nagu diree, naga ajoon waayey Nimankii arlada Eebbahay, naga ugaareeyey Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay Nimankii abaartii Caleed, bari na aadsiiyey Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayey Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey` Quote Share this post Link to post Share on other sites
Batuulo Posted July 30, 2003 kuwi caray Sayid Mahamed Abdulle Hasan Kuwii cararay maantii kufrigu,ciiro soo kiciyey Coodkooda nimankii baxshayee, ciiska rogi waayey Carabtey ku joogeen kuwii, cayris kaga rooray Cakuyey! Kuwii dib u curtaa, ceebta noo dilaye Cudurlaaga waa lagu yaqaan ,inay cabsoodaane Waa caadadood baqo inay, caga caddeeyaane Maantaan cirroobiyo anoo, canug ah oowiila Carradaba wax badan baan maroo, coobir baan ahaye Cawroo kalay noqdeen , caabuqii didaye Allahayoo, canjeelkii tanaa ,iiga ciil badane Anna carada wax iigu wacan , waa cid li’idiiye Cashadii daraawiish haday , cidaha noo joogto Cindigaan ka suuraynayaa, camalladoodiiye Sidii aar cargaaagtamahayey ,caran lahaayeene Ciyoontaba waxaa dhici lahaa ,dirir cafaariide Caddaan miiran iyo sowjar bay, cuni lahaayeene Cafi ma laha nimankii dorraad, gaalka caawiyaye Cadowgood alluu-jebigu waa nagu ciyaareene Casiisow cadaab duulku waa ,caasi khayr darane! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Changed Posted July 31, 2003 naa kalay somali school ma no digoysaa ...i could not read it cuz my glasses are broken secondly i felt $tupid reading after the first line .....the somali is hard..i love cilmi bodhari songs i cant write my fav song in somali but ama write the first few verses i dont know the singers name too huwaneyso baroo , barkaneyso qaro igu beerdilacsee and it goes on and on...now help me out with the singers name please P S: i loved reading poetry by the sayiid even thought he is kinda rude with his peoms but he was good at it (hooyo made me read it and i never got around to reading it the right way ) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xafsa Posted August 1, 2003 Originally posted by MIZZ-UNIQUE: huwaneyso baroo , barkaneyso qaro igu beerdilacsee and it goes on and on...now help me out with the singers name please Isn;t that the song " Balad weeyn" by hassan aadan samatar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xafsa Posted August 2, 2003 Originally posted by CLOWN: Flying-Still, Waa laga Qeyliyey Noo, laakiin fiiri adiga aniga maa rabtaa inaad Carabka Muruq iga Geliso waa ogtahay inaa Af-Soomaaligaan aan isku wareereeno maxaa iigu jilcin weese? Mise waxaa iska Jeceshahay inaa mar walba ku tuug tuugo oo aan ku dhaho Macaaneey ii sharax kan iyo Kaas? Adiga inaa igu Baashaasho aa iska jeceshahay haye, xaasid aa tahay! you know I love you... BAtuulo---Thank you hon those were beautiful....I love Sayid max'ed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Changed Posted August 3, 2003 flying still afkaada cajal heesa lagu qabay... tats my gurl ...i was looking for his name ...xassan adan samatar.......baladweyn.......now that is my fav song thanks to u i remember his name here goes my somali/ingris gabay i know its wack but hey dhibaato igu falan faraqan ku heestaa Ee alahayow ii gar gaar ameen ameen what ever happened to me i was told to be strong i was told not to share personal issues the same time u told me to make him understand murugbaa i haayow majiifsan karo allahayow arimahan igu furan xalintoti isii adoomahan lajooga ima fahman adaa ug xaladeydee ee alahayow ii fududey its easy for him to say all that he wants but it aint easy listining to accusations my heart yearns to yell walk in my shoes before u jump to conclutions u a$s but then the saying do as u would want to be done to u hits me hard i walk in his shoes to find out ; i would accuse me too keeping secrets was not in my plan but who am i to break my families trust *please be there for me i got problems* *what problems* *iska daaf walaalo* is the closest i get to sharing the my pain how can i tell him? i will be a betrayer of my word it was the first secret i was told and now i wonder Y i insisted on being told shoo but i was tired of being wiilo the irresponsible i wanted to be mature i wanted to fit in the family circle i wanted to share happiness i wanted to share the pain who it to blame? wiilo for keeping a family secret :confused: or her lover for wanting to share the pain :confused: funny how it ended up heeh stressed out of nothing it was a F*ucking test he chipped in to help i felt betrayed by his love yet am paradisiacally dancing happiness never felt this good trust never felt this good and his betrayel never felt this good i know its not all somali but i got some somali in it right :confused: that was my so called somali/english gabay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xafsa Posted August 3, 2003 ^^^^ I love that song too...I love anything by Hassan adan samatar. That was deep mizz.....I hope that your ok now. If you ever need to talk then you know who to holla at. luv you peace Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xafsa Posted August 13, 2003 Allahayow Cali Jaamac Haabiil (HA) 1. Allahayoow aduunyada adaa uuntay keligaaye 2. Allahayoow arwaaxdana adaa qoray arsaaqdoode 3. Allahayoow adoomuhu aday ku irkanaayaane 4. Allahayoow alabaabada adaa ooda oo furae 5. Allahayoow ma awdidoo xaqaad soo iftimisaaye 6. Allahayoow aduunbaw arxama kii itaal darane 7. Allahayoow adaan eex aqoon eedna aan qabine 8. Allahayoow awood adigunbaa loo ogsoon yahaye 9. Ninkaloo itaal lihi ma jiro adiga mooyaane 10. Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka 11. Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey 12. Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey 13. Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin 14. Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga 15. Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo 16. Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta 17. Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney 18. Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta 19. Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba 20. Allahayoow aqqonlaawahaa eeydu daba joogto 21. Allahayoow ibleyska khaliqigu ka ashkatonaayo 22. Allahayoow adigu waad ogtahay waadna aragtaaye 23. Allahayoow adoomaanu nahay diinta aaminaye 24. Allahayoow baryada naga ajiib kuu ergaan nahaye Quote Share this post Link to post Share on other sites