Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii GUDDIGA doorashada GALMUDUG oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug oo maanta yeeshay kulan aan horey loo sii shaacin ayaa ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii guddigaas Maxamed Daahir Guuleed.

Guddiga ayaa sheegay in dood dheer iyo falanqeyn kadib ay u codeeyeen in xilka laga qaado guddoomiyihii guddiyada doorashada Galmudug Maxamed Daahir Guuleed.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inay guddoomiye cusub u doorteen Maxamed Qaasim Maxamuud. Guddoomiyaha cusub ee la doortay ayaa horey u ahaa xoghayaha guddigaas.

Guddiga ma uusan sheegin sababihii keenay inay xilka ka qaadaan guddoomiyihii guddiga doorashada ee Galmudug.

Dhinaca kale, Maxamed Dahir Guuleed ayaa sheegay inaysan jirin xil ka-qaadis lagu sameeyey, wuxuuna beeniyay Warqadda Guddiga, isaga oo intaas ku daray in aanay jirin shir guddiga doorashada Galmudug oo dhacay.

Tallaabada uu qaaday guddiga doorashada Galmudug ayaa kusoo aadeysa xilli ay madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’isul Wasaare Rooble ku heshiiyeen in 15 January dib loo bilaabo doorashada xubnaha Golaha Shacabka.

Tallaabadan ayaa horseedi karta caqabad iyo loolan cusub oo dib u dhigi kara in doorashada dalka lagu soo dhammeeyo waqtigii loo qabtay. Galmudug ayaa ah maamulka uu hareeyey musuq-maasuqa ugu badan ee lagu sameeyey doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay guddiga 

271753667_309770624412807_55144707517284

The post Guddoomiyihii GUDDIGA doorashada GALMUDUG oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la doortay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this