Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Rooble oo u hanjabay guddiga doorashada heer Federaal iyo khilaaf cusub oo laga cabsanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal waxayna xogta aan heleyno sheegeysaa inuu kulankaas kusoo dhammaaday is faham la’aan.

Xubno kamid guddiga doorashada heer Federaal oo ka qeybgalay kulankii ay la yeesheen Ra’isulwasaare Rooble ayaa Caasimadda Online u sheegay in Rooble kala kulmeen handaad iyo caga jugleyn.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu doonayo inuu guddiga dhex marsado danihiisa gaarka ah isla markaasna uu isaga doonayo inuu maamulo qandaraasyada uu bixinayo guddiga oo ay ugu horreeyaan gaadiidka iyo hotellada la dagaayo.

“Dalal uu kamid yahay Mareykanka ayaan saaka la hadlay, waxayna iga codsadeen inaan u gudbiyo ciddii awaamiirta aan fareyno qaadan wayso, xitaa kuwa ay soo magacaabeen Dowlad Goboleedyada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey xubno guddiga, wuxuuna kulanka ka dhex sheegay magacyada xubno fadhiyay shirka oo ka biya diiday inay fuliyaan dalabyadiisa..

War-murtiyeedkii kasoo baxay madasha ayaa lagu caddeeyay in guddiyada ay si madax bannaan u gutaan waajibaadkooda shaqo, balse tallaabada uu qaaday Ra’iisulwasaaraha ayaa muujinaysa inuu doonaayo inuu saameyn shakhsi ah ku yeesho go’aamadooda.

Sidoo kale, waxaa fashilmay isku day lagu ridaayay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Galmudug Mudane Maxamed Daahir Guuleed kaasoo markii dambe lagu beeniyay bogga Guddiga ee Facebook kaddib markii uu soo farageliyay Madaxweynaha Galmuudg Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ay isku hayb yihiin ninka la sheegay in la doortay.

Tallaabooyinkan lagu wiiqayo madaxbannaanida guddiyada ayaa ka dhigan in Xafiiska Rooble uusan rabin inay doorashada kusoo dhammaato waqtiga loo qabtay, waxayna tallaabadaan keeni karto inuu mar kale soo cusboonaado  dagaalkii ka bilowday faragelinta guddiyada dabayaaqadi bishii hore.

The post Xog: Rooble oo u hanjabay guddiga doorashada heer Federaal iyo khilaaf cusub oo laga cabsanayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this