Darwish Posted June 17, 2003 This website is filled with chicks and chickenlegs trying to write poetry in English with dysmal effect. perhaps it is time to Embrace Somali classical poetry. The First Poem is Written by Ismail Mire: and it is title is :: Ragoow Kibirka waa lagu kufaa: Kulligood adoomaha rabboow qaybsha kibistiiye Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah Ninba kadabkii loo qoray Ilaah wuu la kulansiine Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille Killigiiba Reer-Hagar anaa kiin ah baa rogaye Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Kaysaha adduun Ina Amaan kuma qarraacnayne Ragbaa keeno gali buu is yidhi waad u koraysaaye Misna kama fileyn mana hadayn kii Israa'ilaye Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Raguu muxumud waal raray haduu saanta uga kaadsho Kulcad uma ay dileen oo hadana koor magaliyeene Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye Kashiisaba ma galin wiilalbaa keebka kuu qabane Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e Waxse kadabkii go'ay maalintuu kaday raggiisiiye Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye Kashib dhaha Adoomahoow naftii kii ladnaa gadaye Quote Share this post Link to post Share on other sites