Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo qarka u saaran dagaal sokeeye

Recommended Posts

Deeq A.   

MUQDISHO OO QARKA U SAARAN DAGAAL SOKEEYE

Dagaal sokeeye waa wax Ilaahay laga magangalo, wax lagu degdegana maaha haddii aanay jirin waxyaabaha sababikara dagaal sokeeye oo la isku badbaadinayo. Dhaqanka Farmaajo wax lasii eegankaro maaaha. Nin waxa uu ku hadlo ay beentahay, waxa uu amro ay dhagartahay, waxa uu bixiyana ay laaluush tahay kala tage isaga iyo dawladnimo iyo qaranimo. Waa kaas Farmaajo.

Farmaajo waa nin ay toos u xukumaan Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki oo la tashada tallaabakasta oo uu qaadayo, horena ugu hibeeyay dalka iyo dekedaha Somalia taas oo uu dhaafsaday in lagu hayo xukun kelitalisnimo qabiil, iyaga ayaa ku amra inaanu ka bixin Villa Somalia, iskuna dhejiyo kursiga, doorashadana horjoogsado, waana heshiiskii dhagarta huwanaa ee lagu saxeexday caasimada Axmaarada, Bahardaar 2018.

Abiy Ahmed waa ogyahay in haddii laga adkaado Farmaajo uu waayayo dekedaha uu sharcidarrada ugu saxeexay, markaas waa inuu markasta ku qasbaa inuu xoog ku joogo madaxtooyada ilaa uu dekedaha gacanta ku dhigayo. Farmaajo haddii aanay Beesha Caalamku sandullayn, xoogna uga saarin madaxtooyada, waxa keliya oo uu Farmaajo kaga baxayo Villa Somalia waa dagaal sokeeye.

Muqdisho waxay qarka u saarantahay dagaal sokeeye sababta oo ah waxaa si cad uga jira waxyaabaha sababaha dagaalka sokeeye. Dagaal sokeeye waa lama huraan marka kelitalisnimo qabiil laasho dastuurka iyo laamaha dawladnimada, ciidan qabiil laguu dhisto, doorashada lagaa horjoogsado, lagaa qaado xorriyadda hadalka iyo dhaqdhaqaaqa, sharaftaada iyo cirdaada meel looga dhaco, cabsi iyo cabburin aad ku nooshahay, hal-doorkaaga la dilo, hantidaada la boobo, lagugu gumaysato degaankaaga, horumarka iyo shaqadu istaagaan iwm.

Dadka Muqdisho ayaa maanta ku nool xaaladaas, waxayna qarka u saarantahay dagaal sokeeye oo ay iskaga xorayso kelitalisnimada Farmaajo ee laga xukumo Addis Ababa iyo Asmara iyo kooxdiisa isla markaana lagu badbaadinayo lahaanshaha dalka, qaranimada iyo dawladnimada. Noloshu waxay qiimo leedahay markaad haysato nabad, xorriyad iyo sharaf aad ku raadsato nolol iyo horumar, cadowguna aanu haweysan dhulkaaga, qaranimadaada iyo dawladnimadaada.

Ibrahim Hassan Gagal

ibrahimgagale@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this