Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxa Dhici Kara Marka Madaxdu Daacadnimo oo Keliya Shaqaalaha Ku Xulato

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16414081069446275.jpg?resize=715%Madaxweyne Farmaajo muxuu dadka la shaqeeya daacadnimo oo keliya ugu soo xushaa?

Iyadoo Soomaalidu la kufaakacayso habka 4.5 oo ragaadiyay dowlad dhisidda, waxaa jirta in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo haya waddadii madaxweynayaashii ka horreeyay, uu dadka la shaqeeya, tusaale Ra’iisal Wasaare ama Wasiir, uu ku doorto daacadnimo oo kaliya. Daacadnimadu waa tiir ka mid ah tiirarka maamulka. Daacadnimo ma shaqayn karto karti iyo hufnaan la’aan. Kartidu waxay fududeysaa in qofku shaqada u qabto sida loo baahan yahay. Hufnaantu waxay keentaa in halwadeenku ka dhowrsado waxa dhaawaci kara magaciisa iyo magaca hay’adda ama dowladda.

Waan yaabay markaan arkay Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka oo aad ugu dhowaa Madaxweyne Farmaajo laakiin hadda ku hadaaqaya ereyo ay ka mid yihiin ‘afgambi’ oo uu Ra’iisal Wasaare Rooble loollanka awoodeed ka dhex socda isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

Ma Madaxweyne Farmaajo ayaa is afgambinaya? Mise ereyga ‘afgambi’ ayaa macne cusub yeeshay? Haddii madaxda kula shaqaynaysa aad ku xulato caano-ma-daadshenimo, waxay noqonayaan kuwo ilaalinta xilkoodu kala weyn tahay mabaadii’da maamulka suubban. Waxay noqonayaan dameeri-dhaanraacday: hadba dhinaca ay u arkaan inuu tuktuk-roon yahay ayay hoos tagayaan.

FB_IMG_16414080839138510.jpg?resize=715%Ra’iisal Rooble ma isagaa wax afgambinaya mise isagaa la afgambiyay?

Madaxweyne Farmaajo in shirqool loogu maleego wasaarad aan ka fogeyn Madaxtooyada waxay i xusuusisay markii Doonyaale u diiday Jeneraal Ceydiid inuu 1991kii ka hadlo Raadiyo Muqdisho si uu u sheegto inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya.

Maanta Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu Wasaaradda ku shiriyay guddi uu ku tilmaamay inay baarayaan ‘isku day afgambi’. Guddiga waxaa ka mid ah Bashiir Goobbe oo qiray in Ra’iisal Wasaare Rooble dhistay dhul sharcidarro ah oo ku yaalla Liido.

Haddii Madaxweyne Farmaajo isa su’aali lahaa in Rooble hufnaan leeyahay iyo in kale dhanka nolosha siyaasadda, wuu ka badbaadi lahaa loollanka siyaasadeed keeni kara in Rooble ku dhawaaqo in Farmaajo uusan u tartami karin xilka madaxweynanimada mar kale. Madaxweyne Farmaajo wuxuu doonayay magacaabista qof aan hadal ku soo celinayn, waana waxa lagu yaqaan keli-talisnimo.

Ra’iisal Wasaare aan karti iyo hufnaan lagu soo xulanin ayaa tallaabo qar-iska-tuurnimo leh qaadi kara.

W.Q. Cumar Sheekh Cabdiraxmaan, London

The post Waxa Dhici Kara Marka Madaxdu Daacadnimo oo Keliya Shaqaalaha Ku Xulato appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this