Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxa Muuqata In Madaxweynuhu Uu Ciidammada U Adeegsanayo Hab Siyaasadeed Oo Uu Odhanaya Kii Ila Hadla U Yeedha Soo Xidha Su’aalo Waydiiya…” Guddoomiye Xirsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta looga yeedhay xarunta baadhista dambiyadda ee C.I.D-da ayaa ka warramay arrimaha loogu yeedhay iyo nuxurka su’aalo la waydiiyay.

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warbaahinta la hadlayaa yidhi “Salaan ka dib waxa aad la socoteen maanta in la iiga yeedhay xarunta baadhista dambiyadda ee C.I.D-da, waxa ay ahayd runtii dhacdo cusub in guddoomiye xisbi looga yeedho xarunta dambi-baadhista laakiin se annaga oo sharciga dhawrayna oo ilaalinayna ayaanu tagnay aniga iyo Murrashaxa Madaxweynaha waxa aanu tagnay xarunta C.I.D-da waxa aanu halkaa kula kulanay saraakiishii oo uu ugu sarreeyo taliyaha C.I.D-da waxa ayna I waydiiyeen su’aalo aan u arkayay in aan xaq la iigu lahayn oo ay sharci-darro tahay, waxa ka mid ahaa su’aalaha la i waydiiyay hadalkii ugu dambeeyay ee aan saxaafadda ka hadlay, waxa ay muuqataa ha hadlina, maxaad u hadasheen, waxaanu se leenahay xisbiyaduna waa dimuqraadi, dastuurka ayaa damaanad qaaday haddii uu xisbi yahay iyo haddii uu muwaadiniinta yahayba xarriyatul qawlka, annaguna xisbi ahaan liisan ayaan u sidanaa in aanu hadalno, su’aalaha ay i waydiiyeen waxa ka mid ahaa maxaad u sheegtay in aan madaxweynuhu in aanu shuruudihii dastuurka ku qornaa qaar ka mid ah inay calaamatu su’aal saaran tahay waanan u sheegay in aan aaminsanahay in aan haysto oo caddaynayo iminkana waan u sheegayaa, arrinta noocaas ahi waxa ay muujinaysay caga-juglayn iyo in xisbiyadda loo muujiyo xorriyadii ay u lahaayeen inay kaga hadlaan waxa khaldan in culays la saaro, waxaana arrintaa diiday xeerarka dalka iyo dastuurka, xeerka xisbiyadda iyo ururradu waxa uu tilmaamayaa in aan la cabudhin karin xisbiyadda iyada oo uu guud ahaan marka horeba dastuurku dammaanad qaaday, su’aalaha ay i waydiiyeen waxa ka mid ahaa oo layaan leh waxaad tidhi sharci-darro ha yeelina maxaad u tidhi, dee iminka ayaaban ku leeyahay dastuurka ayaaba sharci-darro diiday wixii sharciga ka hor-yimaadaa waa waxba kama jiraan waa sharci-darro, idinku ma waxa aad dhiiri-gelinaysaan in sharci-darro la aqbalo, iminka ayaanu ku celinaynaa muwaadiniinta Somaliland waxa ay u hoggaansamayaan sharciga, dastuurku waxa uu yidhi sharciga iyo shareecada islaamka ha loo hoggaansamo laakiinse in sharci-darro la yidhaa aqbala waa kow oo la yidhaa maxaad u tidhaahdeen sharci-darro ha aqbalina, su’aalo noocaas ah oo marka dhammaantood la iska soo wada duubo u muuqanayay  in culays lagu saarayo xisbiyadda in aanay ka hadal xukuumadda dalbaha ay leedhahay iyo khaladaadka ay galayso iyo dalka sida ay u galisay majiiraha khaldan ee haddii ay sharci tahay ku tumatay haddii ay tahay siyaasad la hadhay haddii ay tahay horumar la hagaastay ayaa la diidayaa oo la leeyahay ha sheegina waar waanu sheegaynaa, ku cabiitami mayno ma aqbalayno ha hadlina xaq ayaan u leenahay nina naguma khasbi karo, muwaadiniintuna waa u xor, maanta ayaanu hadlaynaa barri ayaan hadlaynaa, waxaanu ka hadlaynaa wixii sharcigu awood noo siiyay, waxa muuqata oo aan mar labaadna ku celinayaa in Madaxweynuhu uu ciidammada u adeegsanayo hab siyaasadeed oo uu odhanaya kii ila hadla u yeedha soo xidha su’aalo waydiiya su’aalaha ka baqan mayno xaashaa su’aal kasta waa lana waydiin karaa ciidammada ammaanka iyo hay’addaha ammaanka waanu u hoggaansamaynaa adig maalinta laguu yeedho ha u hoggaansami waayin, waxaan xasuustaa shalayto oo aan Muuse Biixi gurigiisa ugu imid iyada oo ciidammada ammaanku u yeedheen Muuse oo uu 20 inan oo qoryo sida uu u yeedhay oo ay gaadh ka hayaan annagu tii yeeli mayno annagu sharciga ayaanu ilaalinaynaa wax sharci-darro ahna ka yeeli mayno Madaxweynaha iyo cid kale toona, iminka ayaan ku celinayaa sharci-darro cidna ha ka yeelina bulshada reer Somaliland oo dhan ayaan u sheegayaa waxaan leeyahay sharci-darro cidna ha ka yeelinaya waxa muuqata inay dhibayso xeerarka iyo shuruucda la leeyahay dabaqa oo ay doonayaan inay siday doonayaan u socdaan, waxaanu leenahay waar Muusow boqortooyo laguma dooran ee haddii aad mooday in boqortooyo laguu doortay dalkani waa dal dimuqraadi ah innagu boqortooyo maynaan arag dalalka boqortooyinku haystaa ayaa la odhan jirin ha ka hadlina malaha Muuse boqortooyo ayuu mooday, boqortooyo maaha dalka Somaliland waa dal xor ah oo dastuurka Somaliland ayaa damaanad qaaday adigana maalmo ayaa ku hadhay, adiga ayaana doortay maalmihii ku hadhay in buuq galiso annaguna buuqa ayaanu ku caawinaynaa”

Halkan hoose ka daawo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this