Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Beesha Lixaad

Recommended Posts

Beesha Lixaad mafia want to force their agenda openly this time.

Beesha caalamka oo ku biirtay shirka golaha wadatashiga ee ka socda Muqdisho

270129694_943122382991066_60099572423049

270803470_943122422991062_65479571587208

Xubnaha golaha wadatashiga qaran oo ka kooban ra’iisul wasaaraha, madax goboleedyada dalka iyo duqa Muqdisho ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilada beesha caalamka oo ku biiray wada-hadallada uga socdo Teendhada Afisyoone.

Shirka oo shalay soo billowday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo sidoo kale muranada xoogan ee hareeyey doorashooyinka ka socda dalka.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada-hadleen taageerada iyo doorka wakiilada beesha caalamka ee ku aadan dardargelinta doorashooyinka, gaar ahaan mida golaha shacabka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiskra ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi kusii daray “Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble waxaa ka go’an in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale,”.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale sii soconaya, waxaana sidoo kale ku biiri doono xubnaha mucaaradka iyo bulshada rayidka ah, si ay talooyinkooda ugu biirayaan madasha.

Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu garwadeen ka ah shirkani ayaa rajeyneysa inay guul ku soo dhammaadaan wada-hadallada socda oo ku soo aaday, xilli aad loogu baahnaa.

Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wadatashiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this