Deeq A. Posted January 3, 2022 Ha Degdegina ! Gudoomiyaha Maxkamada Sare Professor Aadan Xaaji Cali waxaan u aqaanaa inuu yahay nin deggan oo Mustaqbal ifaya leh, rejo weyna ka leh Mustaqbalka Dalkiisa iyo Dadkiisa. Waxaan ku rejo weynahay inaanay dhego barjayn doonin Todobaatan jirrada aan Mustaqbalka badani u hadhin ee Faylasha la hor tuban Maxkamada horteeda, iyo kuwa ku xumeeda wada ee xataa aan Biibitada furan karin. Waxaan aaminsanahay in Gudoomiye Aadan aanuu ku kedsoomi doonin sacabo-tun kasta oo keeni kara in Ummada reer Somaliland ay kala tagto oo mustaqbalkeedu uu mugdi galo. Maxkamada sare iyo hoggaankeeda waxaa la gudboon inaanay ku degdegin soo saarista go’aano horseedi kara qas iyo qalalaase aanuu dalkeenu qaadi karin. Waxaa habboon in tab iyo taagba la isugu geeyo sidii loo abuuri lahaa heshiis siyaasadeed oo ay wada gaadhaan Xukuumada iyo Xisbiyada Qaranku inta aan go’aan maxkamadeed lagu degdegin. Ururrada in la furo cid diidi kartaa ma jirto marka la gaadho wakhtiga uu Sharcigu fasaxayo ee Dastuurku sheegay. Laakiin middi roortayn MAYA ! Doorashada Madaxtooyada ee soo horreysa wakhtigeeda ha lagu galo, ka dibna Guurtida ayaa ku xigta, ka dibna Ururrada, sidaas ay u kala horreeyaan ee loo dejiyay haloo kala horreysiiyo. Amb. Kaysar Mohamed Abdillahi Qaran News Share this post Link to post Share on other sites