Deeq A. Posted January 3, 2022 Siciid C. Muumin, Gudoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu diiwaangeliyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo soo gaartay dad rayid ah, intii uu socday dagaalkii Boosaaso. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu dalbaday in ay dowladdu caddeyso cidda leh mas’uuliyadda xadgudubyada ka dhacay Boosaaso. Xafiisku wuxuu ku baaqay in dadka dhibaatadu gaartay ay helaan magdhow u dhigma dhibta soo gaartay ee nafeed ama hantiyeed. Wuxuuna ka digay Xafiisku in dhinacyadu iska indho tiraan arrintaas. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku howlan xal-u-helidda xiisadda Boosaaso in ay xaqiijiyaan isla markaasna qorshaha ku darsadaan hab walba oo sahli kara in ay dhibanayaashu si deg deg ah u helaan caddaalad. Xafiisku wuxuu sheegay in uu si dhow ula socon doono caddaalad helidda iyo magdhow siinta dadka wax ku noqday dagaalkii Boosaaso. PUNTLAND POST The post Puntland: Xadgudubyo laga diiwaangeliyay Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites