Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Wada-hadlay Sidii Loo Dajin Dagaalo Ka Dhacay Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Xukuumada Somaliland, ayaa baaq nabadeed kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Saax-maygaag ee gobolka Sool, dagaalka ayaa sababay dhimashada ilaa 10 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah, tirro kalena way ku dhaawacmeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland aad uga xuntahay dagaalka, isaga oo ku baaqay in maamulka Puntland kala shaqeeyo daminta colaada, madaama oo beelaha dagaalamay midkood ay Puntland dagantahay.

“Aad iyo aad ayaan uga xumahay qaska iyo qalalaasaha iyo dhimashada joogtada ah ee ka socota deegaankan ku dhaw degmada Bocame, oo ku jirta xuduuda J. Somaliland, saacada imika aanu hadlayno dowlada Somaliland waxay ugu baaqaysa labada maamulba in arrintaa qalaanqal keeda la afjaro, “ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa tibaaxay in shicibka dagan dhinaca Somaliland lasoo weeraray, wuxuuna ku baaqay in weerarka la joojiyo.

“Dowlada Somaliland-na waxaanu caddaynaynaa in anay dagaalkaa meelna lug kaga lahayn, shicibka ka tirsan Somaliland waxaanu qabnaa in meesha lagu soo weeraray, waxaanu jecelnahay in weerarka laga daayo”

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne  Biixi iyo madaxweyne Dani ay ka wada hadleen sidii loo dajin lahaa dagaalka “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne Dani way wada hadleen” ayuu yidhi Kaahin. “Waxaanu soo jeedinaynaa maamul goboleedka Puntland iyo Jamhuuriyadda Somaliland labada qoloba in aanu ka shaqayno arrinta maamulka”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this