Deeq A. Posted January 3, 2022 Wararka ka imaanaya waddanka Kenya ayaa sheegaya in Al-shabaab mar kale qaraxyo khasaare dhaliyay ka fulisay Gobolka Lamu ee dalkaas. Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolka Lamu ayaa lagu soo warramay in Al-shabaab la beegsatay Qaraxyo khasaare dhimasho iyo dhaawacleh dhaliyay. Ciidamada ayaa sida wararku sheegayaan lagu qarxiyay inta u dhexaysa Sankuran iyo Kayunga oo ka tirsan Gobolka Lamu. Al-shabaab ayaa sheegay in ay Qaraxyadaas fuliyeen islamarkaana ku dileen 20 askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya. Dhinaca dowladda Kenya weli kama hadlin khasaaraha ka dhashay Qaraxyada lala beegsaday Ciidamada dalkaas. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Qaraxyo ka fulisay gudaha dalka Kenya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites