Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Isku Shaandhayn La Filayo In Madaxweyne Biixi Sameeyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale la filayaa in uu isku badal ku sameeyo golihiisa wasiirrada ka dib soo celintii golaha wakiilladu ku diideen in ay ansixiyaan maauuliyiintii muddo dhaafay ee uu Madaxweynuhu magacaabay bishii September ee sannadkii hore.

Xogo aan helay ayaa sheegaya in madaxwaynuhu uu mar kale magacaabayo BAASHE CAWIL CUMAR, oo Hore u diiday wareegto madaxwayne Muuse Biixi ku magacaabay.

BAASHE, ayaa damaciisu ahaa inuu helo wasiir buuxa, kaas oo uu ka waayay wareegtadii uu ka filaayay Muuse Biixi xiligii uu u baahnaa.

Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada warfaafinta Cabdinaasir oo uu madaxwayne muuse biixi xilka ka qaaday 2 Sep 2021 ayaa dib u soo noqday ka dib markii uu xilkaasi diiday safiirkii hore ee Kenya BAASHE CAWIL, Oo laga dhigay wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha dibada somaliland.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda CABDINAASIR oo ay isku deegaan yihiin Baashe Cawil ayaa la filayaa in markii labaad uu madaxwayne BIIXI sadqeeyo xilkiisa, isla markaana uu ka door bido Baashihii 120 cisho ka hor diiday wareegtadii uu madaxwaynuhu ku magacaabay.

Wasiirka hadda ee wasaarada arimaha dibada CIISE KAYD ayaa isagana la filayaa in Biixi u magacaabo wasiirka caafimaadka somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this