Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble Oo Magacaabay Guddi Baadhaya Afgambi Uu Ku eedeeyay Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir, kaasi oo baadhis rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27-kii December oo raysal wasaaruhu ku qeexay in ay ahayd isku isku day la doonayay in lagu afgambiyo Xafiisyada Raysal wasaaraha iyo Xukuumaddiisuba.

Qoraal ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay in guddidan laga sugayo in baadhistooda ay ku soo gebagabeeyaan muddo toddobaad ah, waxaana guddoomiye u ah wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaaddir Maxamed Nuur.

Guddiga oo ka kooban shan xubnood oo kala:

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga …Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey raysal wasaare Rooble in uu ku guuldarraystay hawlihii  doorashada ee loo igmaday, isla markaana uu sheegay in uu shaqo joojin ku sameeyey.

Halka raysal wasaare Rooble isna madaxweynaha ku eedeeyey in isagu yahay kan doorashada carqaladaynaya, waxaana uu dhankiisa sheegay in hawlaha qaranka uu isagu wadi doono, madaxweynuhuna la mid yahay musharrixiinta kale oo muddo xileedkoodu dhammaaday.

Khilaafka ka dhextaagan madaxda ugu sarraysa Soomaaliya ayaa walaac ku abuuray beesha caalamka oo Soomaaliya ka taageerta dhanka dawlad dhiska, iyaga oo labada dhinacba ugu baaqay inay xaalka dejiyaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this