Deeq A. Posted January 1, 2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baaris ku sameeya dhacdadii 27 December ee lagu sheegay isku day afgambi oo ka dhacay xafiiska Rooble. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, ayuu Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir, kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in lagu afgambiyo Xafiisyada Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadda”. Wasiirada arrintan loo magacaabay ayaa kala ah.1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.2- Cabdullaahi Maxed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha.3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka, Waxbarashada.4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray xubnaha guddiga in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddi baaris appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites