Sign in to follow this  
Deeq A.

Lewis Hamilton oo Ku Baaqay In Sucuudigu Beddelo Shareecada Si Dhaqanxumadu u Fiddo

Recommended Posts

Deeq A.   
20220102_014226.jpg?resize=640%2C600&sslLewis Hamilton waxaa lagu qasbay inuu u qareemo dhallanrogga jinsiga iyo dhaqanxumo badan oo diinta Islaamku meel cad ka taagan tahay.

Jeddah (Wararka PP) – Lewis Hamilton, wadaha baabuurta dheereysa oo lagu tartamo, ayaa ku baaqay in Sucuudigu oggolaado sharciyeynta dhaqanka xun ee qowmu Luudka, iyo ragga dumarnimada sheegta. “Halkan looma oggola qofku inuu u dhaqmo sida uu rabo” ayuu yiri isagoo bishii hore Jeddah kaga qeybgalayay tartanka Formula One. Wuxuu intaas ku daray in Sucuudi Caraabiya ay ka jiraan sharciyo dil iyo xarig ah oo lagu qaado dadka fawaaxishta iyagoo samaynaya lagu qabto.

“Anigu ma aamminsani waxaas. Isbeddel ayaa diimaha ku dhaca” ayuu yiri. Afar sano ka hor ayuu Hamilton si kulul u la hadlay wiil u abti u yahay oo xirtay dharka gabdhaha. “Aad baan u murugaysnahay hadda. Bal eega wiilka aan abtiga u ahay. Maxaad u xiran tahay dharka amiirad? Wiilashu ma xirtaan dharka amiirad” ayuu Hamilton wiilka u sheegay.

Kooxaha u ololeeya dhallanrogista jinsiga qofka da’ walba ayaa ku eedeeyay inuu ku xadgudbay doorashada ilmo uu abti u yahay. Markaas kaddib ayuu billaabay inuu meel kasta uga qareemo dhaqanxumada sida in lab iyo dheddig yihiin fikrado aysan ahayn wax lagu dhasho iyo in laba qof isku jinsi ah guur dhex mari karo.

Dad Sucuudi Caraabiya u dhashay ayaa Hamilton ku dhaleeceeyay fidinta dhaqammo ku xadgubaya shareecada Islaamka. “Hamilton ma laha aqoon taariikheed waayo diinta Masiixigu way mamnuucday dhaqammada Hamilton fidinayo. Siyaasadda iyo Kaniisadda uun baa la kala saaray si dadka loogu banneeyo dhaqanxumo badan oo Injiilkii la nasaqay iyo Quraanku isku meel ka taagan yihiin” ayuu yiri qoraa Sucuudi ah.

© Puntland Post, 2022

The post Lewis Hamilton oo Ku Baaqay In Sucuudigu Beddelo Shareecada Si Dhaqanxumadu u Fiddo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this