Deeq A. Posted January 1, 2022 Garoowe waxaa halis ku haya kooxo beeleedyo isku arka inay sharciga ka sarreeyaan. Waxa ka dhacay xafiiska Golis ee Garoowe maanta waa fal dhaawac u geystay magaca caasimadda maamul goboleedka Puntland. Koox dabley ah, oo kor ka ilaalinaysay nin xafiiska Golis kula dagaallamay nin askari ah, ayaa rasaas ku furtay ciidanka amniga oo gudanayay waajibkooda. Waa fal muujinaya in weli Puntland u qoofalan tahay kooxo beeleedyo hubaysan oo la awood ah ciidanka booliska. Ma aha markii ugu horreysay oo fal noocan ahi uu ka dhacay Garoowe. Sidee dadku ugu dhiiran karaa inay maalgashsdaan Garoowe haddii weli halis kooxo beeleed hubaysan ay dul heehaabayso magaalada? Sawirka soo baxaya waa mid Garoowe u ekeysiinaya magaalo uu miyigu halis ku hayo: kala-dambayn la’aantii miyiga ayaa iyada oo abaabulan ka soo dhex muuqanaysa magaalo dad kala hayb ahi ku nool yihiin. Haddii ay jiri lahayd hay’ad u furfurnaanta maalgashiga ku salaysa nabadgelyada, Garoowe waxay lumin lahayd dhowr dhibcood. Halista kooxo beeleedyada abaabulan waa dhibaato amni aan laga hadlin. Waxaad mooddaa inuu jiro is afgarad aan la shaacin oo awood siinaya kooxaha xasilloonidarrada ka abuura Garoowe. Maamulka gobolka Nugaal waxaa la gudboon inuusan dhayalsan halistan amni oo ah mid taagan. Dad badan oo Garoowe u yimid inay indho-indheeyaan fursadaha maalgashi ayaa ku dhow inay candhuuftooda dib u liqaan. Garoowe sidan ha loo dhaamo. C.A. Maxamuud, maalgeliye ku sugan Garoowe. The post Garoowe Sidan Ha Loo Dhaamo – Faallo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites