Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaddarin La’aanta uu Rooble u Muujiyay Madaxweynaha Waa Ku Dhaawac Qarannimada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16410616134674329.jpg?resize=715%Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed wuxuu qaddarin la’aan kala kulmay Ra’iisal Wasaare Rooble.

Sanadkii hore markii Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo sheegay inuu mar isku dayay inuu xafiis metela Jubaland ka furo Nayroobi oo ay safaarad Soomaaliyeed ku taallo, eedeyn buu la kulmay sheekada uu sida daacadnimada ah ula wadaagay dadka mar uu Garoowe booqanayay.

Hadda oo uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble sawirka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dejiyay xafiiskiisa, amrayna in warka ku saabsan madaxweynaha aan laga sii daynin warbaahinta dowladda, dadku wax eedeyn ah uma soo jeedinin Rooble oo dhaawacay astaan ka mid ah astaamsmaha qarannimada Soomaaliya.

FB_IMG_16364416784392980.jpg?resize=715%Madaxweynaha Jubaland waxaa lagu eedeeyay inuu isku dayay furista xafiis metela oo Nayroobi ku oolli lahaa.

Marka laga reebo Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, murashixiinta iyo madaxweynayaashii hore may ka hadlin waxa u eg afgambinta madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku kacay Ra’iisal Wasaare Rooble.

FB_IMG_16410615334882687.jpg?resize=715%Ra’iisal Wasaare Rooble wuxuu sheegtay inuu la wareegay awoodihii dastuuriga ee madaxweyne Farmaajo.

Rooble wuxuu Soomaaliya qarannimadeeda u geystay dhaawac. Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya shisheeye cunsuriyad ku dhaata oo uu ka mid yahay Matt Bryden iyo kuwo ka caawiya meel ka dhaca uu u geysto sharafta dadka Soomaaliyeed oo uu madaxweynahooda ku tilmaamay mid mudan in la musaafuriyo.

FB_IMG_16410614145015212.jpg?resize=715%Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid wuxuu Rooble ku dhaliilay dhirif aan ka soo noqosho lahayn.

Waa inaynan ka aamusin madaxda qaarkood marka ay ku tumanayaan astaamaha qarannimada Soomaaliya. Soomaaliya uma baahna hoggaamiyeyaal garasho qabqable leh heer walba.

Cumar Sheekh Cabdiraxmaan, London

The post Qaddarin La’aanta uu Rooble u Muujiyay Madaxweynaha Waa Ku Dhaawac Qarannimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this