Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawada ugu qaalisan Adduunka oo badbaadisay nolosha wiil yar

Recommended Posts

Deeq A.   

Daawada ugu qaalisan Adduunka oo badbaadisay nolosha wiil yar

ميغان ويليس (يسار) وابنها إدوارد
Hooyada Edward, Megan Willis, ayaa sheegtay in caafimaadka wiilkeeda uu soo wanaagsanaanayo

Edward oo hal sano jir ah kana soo jeeda Colchester, Essex, dalka Ingiriiska ayaa wuxuu qabaa xanuun dhanka lafdhabarta ah, taas oo micnaheedu yahay inuusan heleyn borotiinka uu u baahan yahay koboca murqaha.

Waaxda Caafimaadka ee Britain ayaa ayaa u diyaarisay Zolgensma, oo ah daawo qiimaheedu yahay 1.79 milyan oo pound, si loo siiyo Edward.

Hooyadiis, Megan Willis, ayaa sheegtay in wiilkeeda uu tan iyo markaas soo roonaanayay, taas oo ay moodeysay inaysan suurtogal ahayn.

Waxay intaas ku dartay inuu haatan awoodo inuu is rogo uuna fadhiisto isaga oo aan caawinaad helin, isla markaana uu bilaabay inuu qaado tallaabada koowaad isago caawinaad ka helaya dadka hareerihiis ajooga.

“Aad ayaanu ugu faaneynaa Edward,” ayay tiri Willis. “Aad ayuu u fiicna yahay, wax aan la qiyaasi karin ayay ahayd”
إدوارد ووالدته ميغان ويليس
Edward ayaa la siiyay daawada qiimaheedu yahay 1.79 milyan oo pound

Waxay intaas ku dartay, “Waxa ugu badan ee aan filayay waa inuu mar uun awoodo inuu fadhiisto, kaddibna waan ogaa inuu heli doono nolol qurux badan.”

Waxay tiri, “Waxaanu toddobaadyo dhowr ah ka caawinnay socodka, wuxuuna bilaabay inuu iskiis u qaado tallaabada koowaad, isagoo loo xirayo kabo si gaar ah loogu sameeyay, taas oo ah guul weyn.”

Iyadoo dareenkeeda ka hadleysa, ayaa Willis waxay tiri: “Illin ayaan igu soo istaagtay markii ugu horreysay ayaana arkay…wuxuu ahaa xilli qurux badan.”

Qoyska ayaa u guuray London si Edward loogu bilaabo daawada shan jeer toddobaadkiiba.

والدا الطفل إدوارد ميجان ويليس وزوجها جون هال
Megan Willis iyo seygeeda John Hall ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin mustaqbalka Edward

Willis, oo daaweynta wiilkeeda ku soo bandhigta barteeda Instagram, ayaa sheegtay in tamartiisa ay aad usoo wanaagsanaatay, uuna noqday ilmo caadi ah oo cayaaraya.

“Daawadan waxay Edward siisay nolol, waxay siisay fursda uu ku noolaado,” ayay tiri.

“Waqti dheer ayay ku qaadan doontaa Edward inuu caadi ku soo noqdo, wuuna gaari doonaa hadafkiisa, balse si tartiib ah.”

Zolgensma ayaa la rumeysan yahay inay tahay daawada ugu qaalisan adduunka, inkastoo waaxda caafimaadka Britain ay ka gorgortantay qiimaha laguna siiyay qiimo aan la shaacin.

Sanad walba, qiyaastii 65 carruur ah ayaa ku dhashay England kuwaas oo dhibaato ka qaba lafdhabarta, waana xanuun sababa in murquhu daciif noqdaan waxaana ilmaha ku adkaata inuu dhaqaaqo uuna neefsado, taasina micnaheedu waa in ilmaha xanuunkan qaba aysna noolaan karin wxa ka yar labo sano haddii aan wax laga qaban xaaladdooda.

Edward, oo xanuunka lagu arkya isaga oo labo bilood jira, ayaa waxaa sidoo kale la siinayay daawo lagu magacaabp “Spinraza”, oo si joogto ah xuddunta looga siinayo, halka daawada Zolgensma ay tahay mid hal mar ah.

والدا الطفل إدوارد ميجان ويليس وزوجها جون هال
Waaliddiintan ayaa u guuray London si Edward uu daaweyn u helo

Maaddaama ay tahay daawo cusub, natiijada muddada waxtarkeeda lamaoga. Balse hooyada Edward ayaa aaminsan in carruurta haatan ee dhibaatadan qaba ay yihiin kuwa ugu horreeya ee da’da qaangaarka gaari doona.

Qoyska Edward, oo sanadkii hore ka rajo dhigay noloshiisa, ayaa haatan sanadkan cusub rajeynaya in wiilkooda uu heli doono daryeel caafimaad oo wanaagsan.

“Sanadkii hore waxaan ka fekeri jirnay waxa aan mudan doonno, waxaana ka baqeynay inaan weyno wiilkeenna.” ayay tiri Willis.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this