Sign in to follow this  
Deeq A.

Dahabka lagu qamaamay Buuraha Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   

Dahabka lagu qamaamay Buuraha Boorama

good.jpg
Dahabka ka buuxa buuraha iyo dooxooyinka Awdal ee immiga uun lagu soo baraarugay waa wax hore uga soo dhacay dalal badan oo caalamka. Kuwaasi oo ay dadkoodu mar keliya uun ku qamaamay dooxooyinka iyo buuraha dalkooda.
Immiga waxa dadkii ku yaaceen buuraha iyo dooxooyinka min Borama illaa Seemaal iyo nawaaxigooda. Horena waxa loogu yaacay buuraha iyo dooxooyinka Ceeri Gaabo. Laakiin jiidahaasi bariga waxa gacan bir ah ku qabtay dadkii deegaanka Alle ku abuuray.
Calaa kulli xaal, dababka iyo khayraadka macdaneed ee dalka ka buuxa waxa si xaraga leh uga midho dhalin kara shirkado provisional ah oo ka hawl dhulkeenna. Laakiin immiga wixii la helaa waa wax aad u yar oo tacab badanina uu galayo….isla markaana aan u fiicnayn caafimaadka noolaha iyo degaankaba.
DADKA LUGGOOYADA WADA
Waxa durba abuurmay ganacsato sheegaya in ay hayaan saacado ama mechines lagu scan gareeyo dahabka oo la yidhaa Gold Scanner mechines.
Machines-kan oo dukaanka Amazon-ka UK uu ku iibiyo inta u dhaxaysa 50 dollar illaa iyo 1000 dollar, ayey shirkadahaasi gangs ka ahi doonayaan in ay 5000 oo dollar illaa 10 000 oo dollar kaga iibiyaan dadka dahab jacayku madax maray. Waxana suuqyadaasi tuugada ahi ay xafiisyo ka furteen Dubai iyo magaalooyinka SL. Xayeysiiskooduna waxa uu ka socdaa Facebook iyo social media-ha.
Markii aan dhawaan tegey Somaliland, waxan ku soo arkay ganacsiyo maalin ku macaash ah oo boqollaal kun la kala macaashayo saacado gudahood iyo dillaaliin ka dakhli badan dhakhaatiirta caalamka. Sheekadaa deg deg ku macaashka ah ayaana sabab u ah nolosha qaaliyowday iyo sicir bararka dalka ka jira.
Sidaasi daraaddeed haddii mashruucani dahabku ku soo biirana waaba la sii gacan galayaa.

Ahmedweli Goth

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this