Deeq A. Posted January 1, 2022 Talo-ku-dhiigle: Tony Blair wuxuu hadda la taliyaa talisyada dadkooda cabburiya. London (Wararka PP) — Ra’iisal Wasaarihii hore ee Biritayn Tony Blair ayay boqorad Elizabeth waranleysay sanadka cusub. Waxaa kale oo Blair lagu daray Dariiqada Warableyaasha (Order of Chivalry) oo waagii saliibiyiinta la asaasay. Waranle (knight) wuxuu ahaa dagaallame casriyadii dhexe Yurub ka jiray gaar ahaan xilliyadii dhulgoosiga. Waxaa loo yiqiin Waranle Gaashaaman (knight in armour). Boqorad Elizabeth oo waranleynaysa Maxamed Faarax (Mo Farah). Qof la waranleynayo waa inuu gambar ku jilibjabsado si boqoraddu seef uga saarto labada garbood kaddibna u tiraahdo Istaag Waranle (Arise Sir). Desmund Tutu oo dhowaan geeriyooday ayaa 2012kii ku baaqay in Tony Blair lagu maxkamadeeyo dagaalkii Ciraaq. Tony Blair ayaa London ka furtay Machadka Tony Blair ee Isbeddelka Dunida oo sheegta inuu “qaabeeyo doodda, bixiyo talo xeeldheer … si hoggaamiyeyaasha siyaasadeed looga caawiyo dhisidda bulsho furfuran, loo dhan yahay oo baraare ku naalloota.” Dad badan ayaa waranleynta Blair u soo taaqay tusaale ku saabsan sida habka abaalmarinta boqortooyadu u tayo-beelay. Hilary Mantel oo ah qoraa caan ah ayaa sanadkii hore sheegtay in boqortooyada Biritayn laba fac gudahood ku baabbi’i doonto. © Puntland Post, 2022 The post Tony Blair oo la waranleeyey appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites