Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta Mareykanka & Reer Galbeedku si toosa ugu xaglinayaan Ra’iisul-wasaare Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Sababta Mareykanka & Reer Galbeedku si toosa ugu xaglinayaan Ra’iisul-wasaare Rooble

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xuseen Maxamed Rooble
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xuseen Maxamed Rooble

Xukuumadda Maraykanka oo mowqif qayaxan ka istaagtay khilaafka madaxda Soomaalida u dhaxeeya ayaa si toos ah ula soo xiriirtay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika ayaa labada Masuul telefoonka kula hadashay, ka dibna twitterka xafiiska arrimaha dibadda ayaa lagu soo qoray in Maraykanku taageerayo dadaalka ra’iisul wasaaraha. Waxaa kale oo lagu qoray twitterka in uu ka codsaday madaxweynaha inuu ku taageero sidii la isugu keeni lahaa golaha wadatashiga qaaranka, degdegna loogu dhamaystiri lahaa dorashooyinka.

Sidoo kale, wasiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford ayaa barteeda Twitter-ka ku daabacda qoraal ay ku sheegtay inay maanta la hadashay raysal wasaare Xuseen Maxamed Rooble, oo ay taageero u muujisay.

“Waxaan la hadlay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble si aan mar labaad ugu sheego taageerada UK ee ku aaddan shir degdeg ah oo Golaha Wadatashiga Qaranka isugu yimaadaan si wax looga qabto walaacyada doorashada loona helo natiijo degdeg ah, oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyadu waa inay ka fogaadaan falalka kicinta ah iyo rabshadaha.”

Haddaba waxay BBC-da la xiriirtay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed C/rasaaq Maxamuud waxa ayna waxa ka weydiisay waxa loo fasiran karo hadalka Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka iyo wicitaannadooda tooska ah ee madaxda Soomaaliya ee is khilaafsan.

MOHAMED ABDIRIZAK

Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar

“Dabcan arrintan waxay daba socotay markii maalin dhoweyd khilaaf khatar geliyay Soomaaliya dowladnimadeedii iyo wixii la soo dhisaayay tan 2001-dii oo ahayd in Soomaaliya laga dhiso dowlad loo dhan yahay oo uu sal u yahay dastuur, nimaad iyo kala dambeyn.”

“Khifkaasi khatarta geliyay in dhamaam ay meesha ka baxdo nidaamkii dowladnimo ka dib ayaa waxaa dhacday in diblomaasiyiinta reer galbeedka iyo Afrikaanka iyo cidkasto oo arrimaha Soomaaliya isha ku haysay laga wadahadlay oo ay is weydiyeen maxaa arrinkan nagala gudboon oo aan Soomaali la qaban karnaa marka qaar waa iyagii qaar soo saaray war qoraalka halka qaar kalana ay barta Twitter ka soo dhigeen aragtidooda.”

“Waxaa taas ka sii dambeysay in taloofan lagula soo hadlay madaxweynaha iyo ra”iisul wasaaraha oo loo sheegay cidwalba waxii ay sameyn lahayd.”

 

Mareykanka saraakiishooda sarsare ee arrimaha dibadda waxay la hadleen madaxweynaha iyo raysal wasaaraha balse waxaa muuqatay in ay si dhinac ugu janjeereen dhinaca raysal wasaaraha.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed C/rasaaq Maxamuud ayay BBC-da weydiisay isagoo arrintaasi ka eegaya dhanka diblomaasiyadda dhadhan noocee ah ayay leedahay miyaa loo fasiran karaa in Mareykanka uu u janjeesamay xagga Rooble?

Maxamed C/rasaaq Maxamuud ayaa ku jawaabay ‘maya’ “Mareykanku sidaan muddaba ka wada shaqeyneynay oo aan ka wada hadleeynay sidii Soomaaliya ay doorasho u aadi lahayd, muddo hal sano ahna arrintaas ayaa ka wada hadleynay, hadana weli waxay u janjeerta in weli la yirahdo xalka keliya waxa uu ku jira in doorasho la aadaa ee ma aragtay afgambi iyo nidaam kale oo sharci darro ah oo madaxweyne iyo raysal wasaare shaqada looga joojiyo.”

“Sida keliya ee wax lagu hagaajin karo, Soomaaliyana horay ugu socon karto waa in nidaamka sharciga ah la raacaa doorashana la aadaa marka hadalka Mareykankana sidaas ayuu u socdaa, dadkana waxay cabirayaan labada mas’uul keebaa raba inay socota doorashada keeba se raba inay si kale wax u socdaan marka waxay ila tahay dadku ay sidaasi wax ku cabirayaan”

“Haddii Mareykanka dan uu ka leeyahay Soomaaliya darteed uu rabo inuu u farogeliyo iyagana ma sameynayaan hadey dhacdadana cidna ma yeeleyso laakiin marka lagu leeyahay dadkaagi iyo dalkaagi u tur, xuquuq-doodana ilaali marka in hadalkooda uu meel dheer ku dhaci doono oo dad badan oo Soomaali ahna ay ku raaci doonaan.” ayuu yiri Maxamed C/rasaaq Maxamuud.

Khilaafka dib u soo laba kacleeyay ee raysal wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo ayaa xiisad hor leh oo siyaasadeed ka dhaliyay Soomaaliya, isaga oo hadda ay u muuqato in uu markale lugaha la galay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this