Deeq A. Posted December 30, 2021 Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa galabta gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa Muqdisho u tegay ka qeybgalka shirka wadatashiga qaran ee doorashooyinka oo hore u shaaciyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa qaadacay shirka Muqdisho, sida uu ku sheegay qoraal uu maalmo ka hor soo saaray. Madaxweyne Laftagreen ayaa go’aankan qaatay sida uu sheegay markii lagu xadgudbay guddiyada doorashooyinka. Sidoo kale shirka Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo khilaaf xoogan ka dhextaagan tahay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iusul Wasaare Rooble, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Deni iyo Axmed Madoobe oo ka degay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites