Sign in to follow this  
Deeq A.

“Muuse Haddii Uu Sharciga Ka Tallaabsado, Isaguna Maamuus Madaxwayne Yeelan Maayo…” Guddoomiye Xirsi Oo U Hanjabay Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda dalku marayo.

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji ayaa xukuumadda Madaxweyne Biixi ku eedeeyay sharci-jabin, waxaanu sheegay in haddii uu Madaxweynuhu ixtiraami waayo dastuurka iyo xeerarka dalka aanu yeelan doonin maamuus Madaxweyne.

Guddoomiye Xirsi ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu faro-gelin qaawan ku hayo hay’addaha kala duwan dalka sida Baarlamaanka iyo garsoorka.

Dhan kale guddoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay xeerka muranka badan dhaliyay ee xeerka furista ururrada siyaasadda iyo asxaabta qaranka.

“Waxaan doonayaa maanta inaan ka hadlo maalmahan arrimaha dalka ka taagnaa ee ay ka mid tahay sharcigii oo ay xukuumaddii oo madaxwaynihii ugu horreeyaa hawl yaraysatay ama ka tallaabsatay, sidoo kale arrimaha doorashooyinka, arrimaha dhaliyey muranka ee ah xadgudubyada iyo gacan dhaafka ay xukuumaddu ku hayso ha’yadihii kale iyo dhardhaarradii kale sida Barlamaanka iyo garsoorka ayaan doonayaa inaan wax ka tilmaamo. Waxaan leeyahay Madaxwaynuhu sharciga ayuu madaxwayne ku yahay hadii uu sharciga ka tallaabsado, ixtiraami waayo dastuurka, xeerarka dalka u yaalla ku tunto, yeelan mayo maamuus madaxwayne, waxaanay tahay inay hay’adaha sharciga ee loogu talo galay inay sharciga ku soo dabaalaan, inay sharciga hor keenaan oo u yeedhaan, waxaan leeyahay soomaalidu waxay tidhaahdaa “Geela duqdiisu durdurisay aaraankiisa muxuu yeelayaa” haddii madaxwaynaihii ugu sarreeyay dalka sharciga ixtiraami waayo, maxaa laga filan bulshada, shicibka guud ahaan iyo xisbiyada mucaaridka ah ma iyaguunbaa iixtiraamaya? Waa arrin runtii la yaableh, waxaynu ognahay Somaliland wali lama ictiraafsana waxaase dunidu innagu ixtiraamtaa xeerarka iyo dastuurka iyo dawladnimada aynu dhisanay, haddii waxaa aynu dhisanay la ixtiraami waayo waa yaabe, side dunidu dawlad inoogu aqoonsanaysa? side karaamadii dawladnimo u yeelanynaa? nin tiisii isaguba ixtiraami waayay ma cid kalaa ictiraafaysaa ma cid kalaa ogolaanaysa, ma cid kale ayaa ixtiraamaysa? Waxaanu leenahay madaxwaynaha iyo xukuumadiisa sharciga ku soo noqda, waa laga yaaba inaad iswaydiiso arrinta aan ka hadlayo, balse ila eeg muwaadin kasta hadduu yahay iyo kuwa aan la hadlayaba waxaan leeyahay, gefafka dastuurka madaxwaynuhu galay ayaan kuu sheegayaa:

Ugu horreyn dastuurku wuxuu dhigayaa in lagu soo doorto shuruudo madaxwaynaha iyo madaxwaynaha kuxigeenka ay ka mid yihiin inaanu lahayn baasaaboor ajnabi ah, waxaynu ognahay madaxwaynuhu inuu leeyahay baasaaboor Jabuutiyaan ah, meel uu kaga tanaasulay iyo meel uu ku dhiibay midna ma jirto, waxaa kale oo aad ogtahay oo aynu dhamaanteen wada dareemi karnaa ama se aan iminkaba kuu caddaynayaa qodobka 114-aad ee wakhtiga ansixinta wasiirrada oo ah muddo saddex bilood lagu ansixiyo wasiirrada, waa ay muddo dhaafeen waa kuwa wali baarlamaanka hor yaalla ee laga qaylinayo, haddii madaxwaynaha sharcinimadii uu ku fadhiyey ay calaamd su’aal saaran tahay wasiirradiisana calaamad su’aal saaran tahay bal sharci jabinta ka weyni xagee weeye? Waxaynu kaloo ognahay marka xukuumaddii laga yimaado (madaxwaynihii iyo wasiirradii) inuu xasaanaddii baarlamaanka mmeesha ka saaray oo intaa aayar la qabtay jeel lagu riday, oo inta aayar la qabtay la garaacay. Mayd maxaa u dambeeyey kaas la sii sido, maaintii dhawayd baa u dambaysay horena way u dhacday oo xildhibaan Dhakool bay ku dhacday in la xidho oo maxkamaduhu diidaan oo ay yidhaahdaan ma xukumi karno oo baarlamaanku uu ka hadlo oo dheg loo jalaq siin waayo. Waxa aynu ognahay xadgudubka suuqa xorta ah oo madaxwaynuhu shidaalka cid u xidhay, oo sherkada gaara oo keena u xidhay oo qiimo gaar ah loo jaray waana arrin ka soo horjeeda dastuurka, oo uu tilmaamayo inuu suuqa Somaliland xor yahay. Farrogalinta garsoorka ee uu madaxwaynuhu ku tallaabsaday, waxa kuu cadaynaysa maalintii dhawayd ee uu ku hadlayay arrinta baarlamaanku ku muransanaa ee maxkmadda qaarkood u gudbiyeen oo sharcinimadeeda iyo sharci darradeeda maxkamadda laga sugayo, madaxwaynuhu isagaa xukunkeedii sii gaadhay, waana arrin aad u qaldan in madaxwaynuhu ka hadlo arrin maxkamadda taalla. Waxaynu ognahay dawladaha hoose oo uu dastuurkuna xusay, xeerka gobollada iyo degmooyinkuna uu qeexay, hannaanka ay u fadhiisanayaan iyo hannaanka loo maamulayo, waxaynu ognahay farogalintii lagu sameeyey Gabiley iyo dalkoo dhan,ee la yidhi ma fadhiisan kartaan, ee iyagoo aqlabiyad ah ay soo gudbiyeen ee dheg loo jalaqsin waayay ee loo afduubay inu Maayirka oo kali ah taliyo , waxaa miisaaniyadda hadda hor taalla laga sheegay oo xildhibaannadii soo tabiyeen, ee golaha wasiirrada ka soo gudubtay golihii lahaa ee deegaanku muu ansixin, waana qayrul datsuuri, waa qayrul sharci. Waxaynu ognahay farogalinta baarlamaanka, ee dhacdadeedu qoyan tahay hadalkeedu qoyanaa, weerarka laga soo maleegay madaxtooyada ee ahaa xeerkii madaxwaynuhu soo celiyey ee uu saddexdii bog waraaqda ah soo raaciyey ee uu sheegay inay dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalla ka hor imanayo, ayuu haddana xildhibaannadiisii soo abaabulay, xukuumaddana soo abaabulau oo ku soo abaabulay barlamaankii si ay farogaliyaan, oo aakhirkii ay gaadhay car iyo wir iyo in xabadi ka dhacdo, arrintaasu waa farogalin, madaxwaynahana waxaan arkayay isagoo ka galgalanaya, falaadhi gilgilasho kaagama go’do ayaan leeyahay Madaxwaynaha.  Waxa kuu cadaynaya xeerkay ka hadlayaan xeerarka la midka ah bal hadda kan ila eeg; Xeerka tamartu waa xeer baarlaamaanku labada goleba ay gudbiyeen madaxwaynuhuna saxeexay, waxaa xeerka tamarta la ansixiyey 30/April/2018 markaasoo madaxwaynahani joogay waxaana lagu ansixiyey 61 cod, golaha guurtiduna waxay ku ansixiyeen 58 cod waxa muuqata in labada goleba ku ansixiyeen in ka badan saddex meeloodow laba meelood, taasoo uu dastuurku dhigayo dib looma celin karo xeerka noocaas ah ee waa inuu madaxwaynuhu saxeexaa, arrinta noocaas madaxwaynuhu wuxuu damcay inuu soo celiyo sidan xeerkan kan uu u soo celiyey, sidoo kale golaha wakiillada oo 19 June madaxwaynaha u diray warqadda dib u celin ah oo uu madaxwaynaha ku farayo inaanay u banaanayn inuu wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyo xeerka oo aan dhaqangalin waxaana uu ku lifaaqay jawaab celin sharci ah. Muddo 27 cisho ah markuu madaxwaynuhu xeerkaas hayay wuxuu dhaqangelin ku sameeyey ama uu saxeexay 09 June, afar maalmood kadib wuxuu madaxwaynuhu dib ugu soo celiyey xeerkii oo uu sheegay inuu wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyey, wuxuuna soo bedelay qodobo badan oo xeerkaas ah, bal u fiiros 27 maalmood ayuu xeerkaasi yaallay waa laba qalad oo sharci mar xeer ay labada gole ku gudbiyeen 2/3 ayuu dib u soo celiyey isagoon dhaqan gelin markii ka horraysana, 27 cisho ayuu la yaallay iyadoo ay caynkaas tahay ayay maantana waxay ku doodayaan muu muddo dhaafin, markaa waxaan leeyahay xeerarka waxaa loo eegaa wakhtiga la saxeexay ee wakhtiga waraaqaha la soo qaado looma eego, waxaanaynu soo saari doona xeerar badan oo noocaas oo kale ah haddii oo loo baahdo, oo caddayn u ah waxa la tixgalinayaa inuu yahay goorta la saxeexay sida dastuurkuba tilmaamayo ee aanay ahayn goorta waraaqaha la qaaday. Goorta waraaqaha la qaaday waa arrin maamul. Waxaan sidaas si lamid ah tilmaamayaa, xeerarka kale ee madaxwaynuhu ku tuntay, xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumadda iyo hay’adaha madaxa bannaan ee No.71/2015 wuxuu  caddaynayaa magacaabidda wasaaradaha iyo hay’daha madaxabanaan, gaar ahaan wasaaradaha, wasaarad walba waxa uu siinayaa magaca iyo nidaamka ay leedahay. Hay’adaha dawliga ahi waxay leeyihiin hannaan sidii xeerkaas loo sameeyey hanaan loo raaco iyo magac bixin iyo erey bixin sharci ah, wuxuu doono madaxwaynuhu inuu ku tallaabsado maaha oo uu xeerkii jiray ee dhaqangalay ee labada gole ansixiyen inuu digreetadiisa ku buriyo maaha waana sharci darro aan xuso qaar ka mid ah, iyadoo uu xeerku dhigayo wasaaradda maaliyadda tusaale ahaan, madaxwaynuhu wuxuu ula baxay wasaaradda Horumarinta Maaliyadda meelna sharciga kagama sugna, wasaaraduna magac bay leedahay waxa uu xeerku ugu yeedhay wasaaradda caafimaadka, madaxwaynuhu wuxuu u la baxay wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, wuxuu xeerku ugu yeedhay wasaaradda beeraha waxa uu madaxwaynuhu ula baxay wasaaradda horumarinta beeraha, wasaaradda xeerku wuxuu ugu yeedhay Wasaaradda biyaha Muusena waxa uu bixiyey wasaardda Horumarinta Biyaha, u fiirso marka Madaxwaynihii aynu nidhi imaantinkiisii iyo sharciga uu ku fadhiyo siduu u xalaallaysto muu celin baasaaboorkii, Wasiirradii uu magacaabayna mudaddii uu dastuurku sheegay Baarlamaanka kumu gayn, wasaaradiina sidii loogu talo galay ee dastuurku qornaa kumuu deyn, bal dawladiisii iyo sharcnimadeedu siday u jiraysaa? Meel uu qaladkaas ku saxayna maynaan arag, wasaaradaha la kala saaray tusaale ahaan in sharciga iyo xeerka loo eego waayo wasaaradda magac buu xeerku u bixiyey, haddii laba wasaaradood laga dhigayo waa in xeerkii lagu noqdaa, wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga waxay ahayd sidaas u dhisan waxa uu u kala saaray wasaaradda deegaanka iyo wasaaradda horumarinta reer Miyiga meel ay xeerka kaga qoran yihiin ma jirto. Xeerkanina waa kii aasaaska xukuumadda iyo kala xadaynta hay’adaheeda lamana eegin, waayo waxaan la siinayn muhiimadda xeerarka iyo dastuurku ayaan madaxwaynaha u qorshaysanayn. Xeerka doorashooyinka ayaa isaguna xadgudub kaas la mid ah aad ogaydeen qayladii ka dhacday markii Komishanka la magacaabayay iyo sidoo kale xubinta ah Agaasimaha guud uu u magacaabay oo tilmaamaysay in yacnii shaqaalaha komishanku ay u xushaan si madax banana laakiin madaxwaynuhu waxa uu ka soo magacaabay madaxtooyada, iyadoo taas arkayay ayay mucaaradku doorashada ku galeen bal si ay doorashada uun u galaan oo aanay caqabad ku noqon, laakiin se sharci darrada ma xalaalaynayso. Waxaa qayladiisu taagan tahay xeerka la yidhaahdo No.14 bal u fiirso wasiirka warfaafintu wuxu yidhi ururradu way furan yihiin, madaxwaynaha ayaa ka daba hadlayoo waxa uu yidhi 13 May ayaa ururada la furayaa, waa laba kala duwan, labadooda ayaa isku khilaafay, waa wasiirkii o oleh afka Madaxwaynaha ayaan ku hadlayaa iyo Madaxwaynihii baa isku khilaafay ururradii iminka ayay furan yahay qofkii doonaana wuu furan karaa madaxwayihiina waxa uu yidhi 13 May ayaa la furayaa, marka eego xeerka dhaqangalka ah ee 2012 la dhaqan galiyey iyo kan iminka qabyada ah labaduba way ka duwan yihiin sidaas, laakiin wasiirka iyo madaxwaynuhu umay aaba yeelin,  waa 26-ka June ayuu dhigayaa maxaa yeelay 26-ka December ayay ka dhacaysaa ruqsaddu xisbiyada lix bilood ayaana laga jarayaa marka la diiwaagnalinayo sidaas ayaana xeerka ku qoran, waxaana u hadhay doorashadii ay ku tartami lahaayeen oo December ah oo doorashada madaxtooyada ka dambaysa, waana halka laysku hayo ee la leeyahay doorashadii annagu ka hadli mayno ninkii u fadhiyoowba ururada la furi mayo annagu ka hadli mayno laakiin ninkii doonayow 26-june 2022 u soo diyaar garaw xilligaas ayay diiwaangalintii taalla laakiin se tartankoodu waa December 26-keeda. Markaa haddii aad doonayso labada xeerba sidaas ayaa ku qoran, kan qabyada ah ee wali dhammaan iyo kii hore ee dhaqangalka ahaa,labadaa midna lama tixgalin ee afkooda waxay doonaan ayay ka yidhaahdeen. Sharcniguna ma  aha qofku inuu wuxuu doono iskaga hadlo, se waxay caadadii tahay madaxwayne intuu isa soo taago iska hadloo iska dhurma oo wuxuu doono ku hadla waa marka aanu ixtiraamayn sharciga iyo xeerarka dalka u yaalla. Haddi madaxwaynuhu qarda jeexay oo uu wadadii ka baxay oo uu doonayo inuu digreetooyin ku maamulo dalka dee ka yeeli mayno, waxaynu leenahay didibsoo dib u joog, kaa  yeeli mayno, waxaanu ugu yeedhaynaa hay’adaha ama garsoorka ama baarlamaanka, inay ugu yeedhaan sharci jabinta ku tallaabsaday inay hay’adaha xaqqa u lihi sharciga ku hor keenaan.

Waxaa wax lala yaabo ah in madaxwaynuhu ka hadlo Farmaajo oo ku ceebeeyo waxa uu isagu samaynayo Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Maroodigu takarta saaran ma arkee ka kale ta saaran buu arkaa” Carabtuna waxay tidhaahdaa “Ha reebin caad iyo dhaqan aad la timaado isagii oo kale “ ceeb bay kugu tahay, waxaan leeyahya Madaxwayne waxaad dadka kale ku maagayso adiga yaan lagugu arkin, adiga ayaanu ku leenahay sharcigii waa kan xeerarkii iyo dastuurkii adigoo taa samaynaya inaad cid kale u doolaalato , waar horta gurigeena iyo gudaheena ma saxnaa intaanad cid kale u gurman, waanu ka soo horjeednaa ay haddii ay tahay Somalia iyo haddii tahay teennaba cid kasta oo sharciga ku tumata, macnaheedu maaha inaanu Farmaajo raalli ka nahay, Farmaajo annaga nama khuseeyo dalkana ma maamulo ee dalkiisuu maamulo laakiin se waxaanu leenahay haddii uu sharciga ku tuntay adiguna waad ku tumataye hoos u eeg taada.

Ugu dambayn dadka reer Somaliland waxay soo marxlado kala duwan, gumaysigii ayay soo mareen oo way diideen heeryadii gumaysiga, cidina way gumayn kari wayday waxay soo mareen digtaytarkii iyo dawladdii rajiimkii millatariga ahaa way diideen inay dullaystaan, waxay soo mareen wakhti ay day day iyo inanka qoriga sitaa ay u gacan gasho oo uu taliyo oo ucaqligi talin waayo oo qorigu taliyo oo ay fawdo gasho, way ka soo gudbeen waxaanay muddo ku qaadatay inay intii caqliga lahayd taliso oo caqligu bannaanka u soo baxo maantana waxay maraysaa marxalad la leeyahay kuwii talada hayay waar sharciga u jooga way ka gudbi doonaan. Waxaan leeyahay shacbiga reer Somaliland wixii aan sharci ahayn diida xaq la idiinkuma leh annaguna waanu diidaynaa wax kasta oo aan sharci ahayn mana aqblayno”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this