Deeq A. Posted December 30, 2021 Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay Madaxweyne Farmaajo kala hadashay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Ra’iisul wasaare Rooble. War ka soo baxay Xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo lagala hadlay xiisadda taagan islamarkaana lagu boorriyay in deg deg lagu xalliyo Arrintaas. Maraykanka ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu taageero dedaallada Ra’iisul wasaare Rooble ku doonayo hirgelinta Doorashada i loo dhamaystiro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo degdeg a. “Waxaan ku ta’kiidiyay in ciidamada ammaanku ay dhexdhexaad ahaadaan xiisadda taagan, waxaana ku boorriyay Madaxweyne Farmaajo in uu taageero Ra’iisul wasaaraha si uu ugu yeero Golaha Wadatashiga Qaran si loo dhamaystiro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo degdeg ah” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo Farmaajo ku boorriyay in uu taageero Rooble appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites