Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Sare Yurub Oo Guul Taariikhi Ah U Gacan Gelisay Hooyo Soomaali Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Norway)-Hooyo Soomaali ah ayaa guul taariikhi ah ka gaadhay dowladda Norway kadib markii Maxkamadda sare ee xuquuqda aadanaha ee Yurub ay xukuntay in mas’uuliyiinta Norway ay ku xadgudbeen xuquuqdeeda kadib markii ay si khasab ah uga qaadeen wiilkeeda, kuna wareejiyeen qoys Kirishtan ah si ay u daryeelaan.

“Aniga iyo macaamilkeygaba waxaan ku faraxsannahay xukunkan aqlabiyadda ah,” waxaa sidaas tidhi Anna Lubin oo ah qareenka Mariya Abdi Ibrahim.

Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha, The European Court of Human Rights (ECHR) ayaa go’aankan gaadhay Jimcihii, ayada oo xukmisay in ilma Muslim ah aan la hoos geyn karin daryeelka qoys aamisan diin ama dhaqan ka duwan kiisa. 

Go’aanka ayaa soo geba-gebeeyey dacwad ay xareysa Mariya Abdi Ibrahim oo 11 sanno ka hor tagtay Norway kadib markii ay kasoo qaxday Soomaaliya.

Markii uu wiilka Mariya ahaa 10 bilood, Adeegga Daryeelka Carruurta Norway ayaa ka bixiyey gacanteeda, ayaga oo ku eedeeyey dayacaad iyo ku-xadgudub. Waxaa wiilkan yar kadib la wareegay qoys Kirishtan ah oo kadibna jaray xidhiidhkii kala dhaxeeyey hooyadiisa.

Kadib markii ay ku guul-darreysatay isku day ay ku joojin laheyd in wiilka yar lagaga qaato, Mariya oo hadda 28 jir ah ayaa codsatay in loo dhiibo qoys Soomaali ama Muslim ah, hase yeeshee Maxkamad Norway ah ayaa diiday codsigaas. Mariya ayaa dooneysa in wiilkeeda yar aanu lumin dhaqanka Soomaalida iyo diinta Islaamka.

Go’aanka ay gaadhay Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Norway ay ku guul-darreysteen inay xisaabta ku darsadaan dhaqanka iyo diinta wiilka.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay xukuumadda Oslo inay 30,000 oo Euro oo magdhow ah siiso Mariya.

Islaamka waa diinta labaad ee ugu weyn Norway kadib Kirishtan, waxaana xog la shaaciyey 2002 ay muujineysaa inay aamisan yihiin 182,826 qof ama 3.4% oo ka mid ah 5.4 milyan ee dalkaas ku nool.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this