Deeq A. Posted December 29, 2021 Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Arbaco ah magacaabay wasiiro, wasiir ku xigeenno iyo wasiru-dowle cusub. Axmed Yuusuf Qahar ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland. Rashiid Maxamuud Yuusuf ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland. Khadar Faarax Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax ayaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland. Cabdiraxmaan Cali Axmed ayaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Wasiiro iyo wasiir ku xigeenno iyo wasiiru-dowle appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites