Deeq A. Posted December 29, 2021 Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa wasiirka Amniga u soo gudbisay warbixinta afhayeenkii hore ee ururka al-shabaab Muykhtaar Roobow, kaas oo wasiirka ka dalbaday hay’adda in ay warbixintaasa keento. Mukhtaar Roobow oo ay dowladda federaalka soo xirtay bishaan oo kale sanadkii 2018 ayaa ku jiray xabsi guri ay amnigiisa ay sugayaan sirdoonka qaranka NISA. NISA ayaa warbixinta wasiirka ay u gudbisay ku sheegtay in xaaladda caafimaad ee mukhtaar roobow ay aad u wanaagsan tahay, uuna helo dhamaad adeegyada aas aasiga ah. Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale warbixinta ka soo baxday xafiiskiisa ku sheegay in HSQ ay bil walba lacag gaareyso $7000 uga baxdo nolosha Mukhtaar Roobow. “Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka. NISA ayaa sidoo kale sheegtay in Mukhtaar Roobow uu dhigto waxbarashada heerka labaad ee Master degree, macalimiintiisan uu la leeyahay xiriir joogta ah. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites