Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Saleebaan Oo Wadda Dedaalo Nabadeed Iyo Madaxweyne Biixi Oo Ku Addimay Qabsoomidda Hal Doorasho Iyo Furista Ururrada + Khilaafka Xukuumadda Iyo Xisbiyadda Oo Sii Murgay

Recommended Posts

Deeq A.   

Haddalkii Musharrax Cirro Oo Hurdada U Diiday Madaxweyne Biixi + Hurrinta Khilaafka + Hanjabaadii Xero Awr Iyo Humbaalayntii Biixi

(SLT-Hargeysa)-Iyaddoo ay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland ay tahay mid kacsan,isla markaana uu khilaafka u dhaxeeya Xisbiyadda mucaaradka iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi uu yahay mid cakiran,wallow xagga Xisbiyadda Mucaaradku ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan oo ay ka war-sugayaan Go’aanka Maxkamadda Sarre ay ka soo sarri doonto murranka sharci ee xeer 14 ,hase-yeeshee Madaxweyne Biixi iyo abbaanadiisa,ayaa u muuqda kuwa maddalaha kaga tiraabaya haddalo sii kale foggeynaya dhinac-yadda,isla markaana khilaafka sii hurrin karra.

Madaxweyne Biixi ayaa tan iyo intii xeerka murranka dhaliyey ee furrista ururrada ay Xildhibaannada taabacsan Xukuumadiisa u gudbiyeen Maxkamadda Sarre laba jeer oo kale duwan kagga hadlay Magaallooyinka Hargeysa iyo Berbera,waxaanu sheegay in ururradu furran yihiin,isla markaana sidaas loogu diyaar garoobo doorashada ururrada,isagoo sidoo kalene eedaymo iyo haddalo hanjabaado iskuggu jira ujeediyey Xisbiyadda Mucaaradka.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Somaliland oo ah odayga Qaranka Somaliland ayaa fallaqeeyayaasha siyaasadda Somaliland ay ku tilmaameen in arrintaas aanu uga haddal si wayeel-nimo ah,waxaanay xaalkiisa ku sheegeen inuu yahay mid ficiltan iyo foorjo ay ka muuqato,isagoo shalay iyo maalintii hore ee uu Berbera ka hadlayna haddaladiisu ay yihiin qaar isku mid ah,kuwaas oo ahaa qaar min-di mindi ku taag ah.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlay daah-furka xarunta cusub ee maaraynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo biyo-xidheennada ee xaafadda Xero Awr ee Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrintaas “Waxaan leeyahay reer Somaliland dhammaan hawlaheena innaga dhex-deena Dawladda ayeynu nahay dal ballaadhan ayeynu nahay Xisbiyo ayeynu nahay waxeenu waa dood iyo tan ayaa tan ka wannaagsan ee colaadi kama dhallan karto,ta innaga dhaxaysa ee siyaasad guud ah waxa weeye talladaas ayaa wanaagsan waa dood iyo wax isku sheeg ninkii halkaa dhaafow addiga hakugu eekaato.”ayuu yidhi

Dhanka kalene Madaxweyne ayaa markii labaad ka jawaabay haddaladdii Musharrax Cirro, waxaanu haddalo hanjabaad ah u diray Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo Beesha Garaxjis oo uu farriin dad-ban u diray “Somaliland waxaas wey ka soo waayo arragtay Xisbiyo buuqa iyo nin meel u baxa oo yidhaah waar ka soo kacay waxay ila tahay ,dadka maanta joogaa taas wey ka korreen,dagaaal iyo buuq iyo walaahi in Madaxweynayaal baddan la samayn,madaxweyne qudha ayaa jira Madaxweynayaal baddan la samayn maayo xaaraan ayey ka tahay “

Sidoo kalena Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in sannadkan ay hal doorasho dalka ka dhacayso,taas oo aanu si cad u sheegin ta ay tahay”Doorashooyinkana mid ayaa la qabanayaa waa qasab,Xisbiyaddana waa la furrayaa Madaxweynaha tiisana waa la doorranayaa guurtida xeerkeedii waa la samaynayaa “ayuu yidhi

Wasiirka maaliyada Somaliland ayaa Golaha Wakiillada ka sheegay in miisaanyada 2022 lagu daray qarashka doorashooyinka dhici doona sanadka cusub e 2022-ka,waxaanu sheegay in 28 bilyan ay ugu talo galneen Doorashooyinka Soo socda ee sanadka 2022-ka ,Beesha caalamka ayaa qarashka doorashooyinkaas bixin doonta 75 % halka Somaliland ay bixin doonto 25 %

Geesta kalene Khilaafka Xukuumadda iyo Xisbiyadda ayaa ah mid cirka isku sii sharreeraya marba marka ka dambaysay,hase-yeeshee xoggo aanu helnay ayaa sheegay in xubno ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ay waddaan dedaalo kale duwan,kuwaas oo ah qaar xaaladda looggu soo dabaallayo nabad.

Xoggaha la xidhiidha dhaq-dhaaqan Guddoomiye Saleebaan oo uu Wargeyska Waaberi helay ay sheegay in Guddoomiye Saleebaan uu la kulmay Xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI,isla markaana uu u sheegay in uu doonnayo in uu arrinta ka odayeeyo,taas oo la sheegay inay ka aqbaleen mucaaradku,isla markaana waxa la sheegay inay u caddeeyeen mawqifkooda,hase-yeeshee xogguhu may xusin in Guddoomiye Saleebaan uu la kulmay dhinaca Madaxweyne Biixi,basle waxay sheegeen in dedaalada Guddoomiyaha Guurtidu ay yihiin qaar guullaysanaya,isagoo uu qorshuhu yahay in uu miiska wadda haddalka uu isku soo hor-fadhiisiyo Madaxweyne Biixi iyo Faysal,Cirro iyo Guddoomiye Xirsi.

Si kastaba aha-ahaatee oodi jiidis iyo qaadis waa isla guri geyn’e, waxa arrimuhuu kala cadaan doonaan maal-maha soo socda,waxaynu eegnaa waa halka uu ku dambeeyo dedaalkaa uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan uu ku doonnayo inuu ku dhex-dhaxaadiyo Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this