Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkmadda Sare Ee Somaliland Oo Toddobaadkan Ku Dhawaaqi Doonta Go’aanka Dacwadii Ay U Gudbiyeen Qaar Ka Mid Ah Xildhibaannada Golaha Wakiilladu Iyo Shacabka Oo U Dhegtaagaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa si weyn loogu dhagtaagayaa Go’aanka ay Maxkamadda Sarre ee Somaliland ay ka soo saari doonto Dacwadii ay Xildhibaannada taabacsan Xukuumadda KULMIYE ay u gudbiyeen Maxkamadda, taas oo la xidhiidhay xeerka ururrrada iyo axsaabta xeer Lr 14,kuwaas oo Maxkamadda ka dalbaday inay tafsiir sharci ay ka bixiso qoddobada murranka sharci dhalliyey.

Haddaba waxa la sugayaa Go’aanka Maxkamadda waxa uu noqon doonno,kaas oo ay danneeyayaasha arrintan iyo shacabka Somaliland u dhegtaagayaan,isla markaana ay sugayaan waxa uu noqon doonno go’aanka Maxkamadda Sare ay ka soo saarto arrintan,wallow Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa ay xukun sii rideen,isla markaana ay sheegeen in ururradu furran-yihiin,waxa la si weydiinayaa, ma xukunkaa Madaxweyne Biixi sii sheegay ay ka dhawaajin doontaa ?, mise waxa kale

Geesta kalene xoggo hoose oo aanu helnay ayaa sheegay in Maxkmadda Sare ay toddobaadkan ku dhawaaqi doonta Go’aankeeda la xidhidha Dacwadii ay Xildhibaannada KULMIYE u gudbiyeen ee xeerka ururrada iyo axsaabta.

Dhanka kalene Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isugu sheegay in aan la aqbali karrayn go’aanka Maxkamadda Sarre ka soo baxa waxaanu sheegay in aanay sharciyan xaq u lahayn in Maxkamadda Sarre iay ka gar-naqdo arrintan,waxaanu sheegay in arrintu ay yeellanayso weji qabiil “Lakiin Maxkamadda ayaan teggayaa oo Maxkamadda oo Aadan iyo Muuse ayaa ilamdeera, ka yeelli mayno,addiga iyo Muuse ayaa isku ah oo bahashii qabiil ayaa loo baddelay dhici mayso taasi…”ayuu yidhi Faysal

Guddoomiye Faysal ayaa waxa kale uu ugu baaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Aadan Xaaji Cali in aanu ku dhawaaqi dhimashadda Somaliland,isla markaana aanu noqon go’aankiisu mid Somaliland u horseeda jidka dhimashadda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliifa ayaa qoraal suu saaray dhawaan Xildhibaannada Golaha ku wargeliyey in qadiyadda xeerka murranka dhalliyey ee xeer 14 lagga dhursugayo qaraarka Maxkamadda,balse Xildhibaannadu ay sii waddan doonnaan hawlahooda kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this