Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaarad cusub ama Qaaradii 8aad oo hadda la helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaarad cusub ama Qaaradii 8aad oo hadda la helay

.

Saaynisyahannadu waxay ku qadatay 375 sani iney helaan qaaradda siddeedaad ee dunida taasoo in badan indhaha badmareennada ka qarsooneyd.

Waxay ahayd 1642, Habiil Tasman wuxuu ku jiray howlgal gaar ah. Badmareen waayo arag ah oo u dhashay dalka Hollaand oo lagu yaqiinnaya shaarubbo iyo timo dheer uu lahaa ayaa wuxuu ahaa nin caddaaladda jecel.

Wuxuuna badmareenka uu marweliba aaminsanaa jiritaanka qaarad kale oo ku taalla cirifka Koonfureed wuxuuna go’aansaday inuu raadiyo.

Xilligaasina, cirifka koonfureed uu badmareenku uu u badanaya iney qaaradda 8-aad laga heli karo bad mareennada kale ee reer galbeedka meysan ogeyn. Hase yeeshee maladoodu waxay u badneed iney jiri karo qaarad dhul weyn ku fadhida oo ay magaceeda ugu yeereen Terra Australis.

 

Si la isugu dheelli tiro qaaradaha dunida ee waqooyiga u badan baadi goobka qaaradda cusub waxay billaabatay xilliga Roomaaniyiinti hore miisaamo qaaradaha dunida dooda Waqooyi, dib-u-habayntu waxay bilaabantay waagii Roomaanki hore, balse baadi goobka qaaradda cusub hadda lagu guleystay.

.

Markii ugu horeysay ee uu la kulmo dadka reer Maori (oo loo maleynayo inay halkaasi ku noolaayeen dhowr qarni ka hor) si fiican uma socon, maalintii xigtay, doonnida yar ayaa ku dhacday markab badda marayay oo Netherland laga lahaa waxaa shilkaasi ku dhimatay shan qof oo caddaan ah. Ka dib bad mareennadi reer Yurub ee baadi goobka qariiradda ku koobnaa waxay dib u howl geliyeen ilaa iyo 11 doomood walow aan la ogeyn halka ay ku sii jeedeen iyo waxa ay la kulmeen.

Halkaana waxaa ku soo dhammaaday howlgalki uu waday Tasman, isaga oo safarkiisa u bixiyey safarki geerida isaga safarkiisa sidaa ku soo gaabsaday oo aan gaarin halki uu ku socday. In kasta oo uu rumaysnaa inuu isagau yahay qofki ugu horreeyey ee dah furay baadigoobka cirifka Koonfureed looga baarayo qaaradda cusub. Balse dib uma soo noqon.

.

2017-kii koox aqoonyahanada samayska dhulka ayaa shaaca ka qaaday iney heleen qaaradda siddeedaad oo ay ugu magac dareen Zealandia-Te Riu-a-Māui oo ah afka qabiilka Maori. Ballaca dhulka ay ku fadhida qaaraddaasina waxay ku sheegeen iney gaareyso 1.89 malyan oo kiilo mitir oo isku wareeg taasoo la mid ah 6 jibbaar dhulka ay Madagascar ku fadhido.

In kasta oo qaamuuska encyclopedia iyo qariidadda caalamka ka jiray ay ku adkaysanayeen in ay jiraan toddoba qaaradood oo keliya, kooxdu waxay si kalsooni leh u ogeysiisay iney xaaladdu sidaa ka baddalan tahay oo ay qaaraduhu siddeed yihiin.Si kastaba ha ahaatee faahfaahinta qaaraddaasi ku saabsan oo dhawaan soo baxday ayaa jebisay dhammaan rikoodhada iyaga oo ku daray inay yihiin kuwa ugu yar, ugu khafiifsan iyo kuwa ugu da’da yar adduunka.

Waxaa lagu soo waramayaa iney 94% qaaradda ay ku jirto biyaha hoostooda oo leh jasiirado yar sida New Zealand, oo laga soo bilaabo moolka badda.

Geologistayaasha ka tirsan machadka cilmi-baadhista New Zealand ee GNS oo kooxda qaaradda siddeedaad heshay ayaa shaacisay qaaradda Zealandia.

Hase yeeshee shaacintan oo lagu tilmaamay billow, iyada oo ay qaaradda afar sana oo keli ah jirto waxaa la sheegay iney qaaradda badda hoosteeda ay ku jirto qayaasti 2km. Balse waxaa jira su’aalo nbadan oo weli jawaab u baahan sida Qaaradda sababaha keenay iney idhaha dunida ka qarsoonaato iyo badkeeda rasmiga ah ee badda hoosteeda ku jira inta uu cabbir ahaan le’eg yahay?

Helitaanka layaabka leh

Dhab ahaantii, kalmadda Zealandia oo ah magaca qaaradda cusub waa mid had iyo jeer ay ku dhawaaqistiisu adag tahay.In ka badan qarni ka dib markii Tasman uu helay New Zealand 1642, sawir qaade Ingiriis ah oo lagu magacaabo James Cook ayaa loo diray socdaal cilmiyeeysan oo loogu talagalay cirifka koonfureed. Awaamiirtiisa rasmiga ah waxay ahayd inuu ilaaliyo gudbinta meeraha Venus, si loo xisaabiyo fogaanta qorraxda.

.

Waxaa kale oo uu sitay baqshad xidhan, oo lagu amray inuu furo marka uu dhammeeyo hawsha ugu horreysa. Baqshaddaasi oo koobeysay arrimo sir ah oo la xiriira ogaanshaha qaaradda cirifka Koonfureed ee dunida laga baarayo ka hor inta uusan gaarin New Zealand.Tilmaamaha ugu horreeya ee jiritaanka Zealandia waxaa soo ururiyay Sir James Hector oo u dshay Scotland, kaas oo ka qaybqaatay sahan taxane ah oo ay sanaddi 1895-kii ku soo mareen jasiirado ku yaal xeebta koonfureed ee New Zealand 1895. Kadib markii uu daraaseeyay geologygooda, wuxuu soo gabagabeeyay in New Zealand ay ka kooban tahay “Buuro silsilad ah oo ku fadhiya dhul ballaadhan oo qaaradda ka mid ah oo ku fidsan koonfurta iyo bari, oo ay hadda baddu qarqisay.

1960-kina cilmi baadhayaasha waxay sii wadeen baaritaankooda iyaga oo sii waday ku salgaadhidda xaqiiqooyinka la xiriira dhulka buuraleyda ee ay socdaalka ku soo mareen ee ka sokeeyo qaaradda cusub ee ay baaritaanka ku heli doonaan iyaga oo ka qaaday muunado dhagax iyo ciid ah si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan.

Balse dadaallada muddo dheer qaatay ee ay badmareennadu wadeen ma nqon mid u sahla iney qaaradda cusub si fudu ku helaan oo waxay noqotay mid adag isla markaana kharash aad u badan u baahan.

1995 Fisigiste Mareykanka u dhsahy oo lagu magacaabo Bruce Luyendyk ayaa dib u qeexay aagga ay qaaradda laga heli karo wuxuu tala ahaan oo u soo jeediyey in qaaradda cusub looga magac daro Zealandia. Tolloch baadigoobka looga jiro helitaanka qaaradda wixi intaa ka dambeeyey wuxuu ku tilmaamay mid sii kordhayey rajadauna ay sii xoogeysaneysay.

Waxaa sida oo kale la meel mariyey “Sharciga qaramada midoobay ee u yaalla arrimah badda” sharcigaasi oo bad mareennada u noqday dhiirregilin horleh. Sharcigana wuxuu dhigayey dalalku iney dhinaca badda dhulkooda sharciga ah ku aaddan ay ugu fidi karaan ilaa iyo 370 km si uga bbaadi goobaan macdanta iyo saliidda halkaasi ku jirta.

New Zealand oo ka faa’ideysaneyso sharciga qaramada midoobay ee badaha ku aaddan waxay dhulkeedi dhinaca baddav ay kordhisay ilaa iyo 6 jibbaar. Waxayna sameysay baaritaanno buuraha iyo badda ku saabsan si ay u sheegato arrimo la xidhiidha qaaradda cusub ee Zealandia.

Ugu dambeyntina qaaradda cusub marka la shaaciyey waxay waddo midka mid marinnada badda ee dunida ugu waaweyn. Nin arrimaha badda ku takhasusay wuxuu leeyahay, “Haddii aad ka fikirto, qaarad kasta oo meeraha ku taal waxay leedahay wadamo kala duwan, laakiin waxaa jira saddex meelood oo kaliya ee Zelandia.”

Isballaadhinta aan cadiga ahayn

Xilliyadi hore waxaa la rumeysan yahay Zealandia iney ka mid ahayd Qaaraddi Gondwana ee jirtay 550 malyan oo sana ka hor, waxayna ku taallaa cirifka Koonfureed ee dunida. Si kale marka loo dhigana waxay ku beegan tahay daanta bari oo waxay xad la yeelaneysaa Galbeedka Antarctica iyo Bariga Australia.

Waxayna badmareennadu aaminsan yihiin 15 malyan oo sana ka hor ine Zealandia sababa aan la gareyn dabeecaddu ay u riixday sidaana ay ku fogaatay” ayuu yiri Tulloch.

Zeelandia waxa ay ku dhammaatay in aad loo jiido oo qayb ka mid ah lakabka sare ay hoos u sii fidday ilaa 20 mayl (12.4 miles) aakhirkiina qaarada cidhiidhiga ah ayaa quustay inkasta oo aanay gaadhin heerkii caadiga ahaa badweynta oo ay ku luntay badda hoosteeda.

  •  In kasta oo ay cidhiidhi yihiin oo ay biyaha hoostooda joogaan, cilmi-yaqaannada cilmiga dhulka waxa ay og yihiin in Zealandia ay tahay qaarad iyaga boo ka duulaya noocyada dhagaxa laga helay halkaasi.

Laakiin weli waxa jira waxyaabo badan oo aan la garanayn, tusaale ahaan, weli ma cadda sida ay Zeylandia ugu suurtagashay inay wada joogaan markii ay cidhiidhi ahayd oo ay qaarado yaryar ugu qaybsami weyday.

Doodda ku saabsan Donosurs

Waa mid ka mid ah lafaha qalfoofta ee naadirka ah ee laga helay cidhifka koonfureed, laakiin tiro ka mid ah lafaha qalfoofta waxaa New Zealand laga helay 1990-meeyadii, lafahaasi oo isugu jira kuwo dhaadheer iyo kuwa gaagaabanba.

Sanaddi 2006-dii qalfoofta xayawaan loo maleynayo xayawaannadi dunida ka cirib tirmay mid ka mid ah ayaa laga helay jasiiradda Chatham oo 800 oo km bariga kaga beegan jasiiradda Koonfureed. Tan ugu muhiimsanna waxay tahay dhammaan lafaha qalfoofta xayawanadkaasi in la helay kaddib marki qaaradda Siiland ay ka go’day Gondwana.

Si kastaba ha ahaatee, tani macnaheedu maaha in ay jireen Dinosaurs wareegayey in badan oo ka mid ah Zealandia “Waxaa jirta dood dheer oo arrintan ku saabsan, haddii ay suurtogal tahay in xayawaanku meel aan dhul ahayn uu ku noolaan karo” ayuu yiri Barafasor Rupert Sutherland,Jaamacadda Newzealand.

.

In kasta oo aysan suurtagal ahayn in si fudud qalfoofta looga soo ururiyo badda Zealandia, haddana saynisyahannadu waxay sameeyeen qoditaan aad u dheer oo ay xog dheeraad ah ku raadinayaan. “Dabcan Athaarta ugu waxtarka badan ee aan helnay waa kuwa laga soo uruuriyey badda hoosteeda,” ayay tiri Sutherland.Sannadkii 2017-kii, kooxdu waxay samaysay sahan qoto-dheer, iyagoo lix meelood oo kala duwan oo badd gunteeda ka qoday in ka badan 1,250 mitir xog badanna ahalkaasi ka soo uruuriyey.

Baaritaan kale oo la sameeyeyna waxaa lagu ogaada qaaradda cusub ee Zeralnadia sida ay u taallo.

“Arrima badan oo gadaaman qaaradda Zealandia oo faahfaahin dheeraad u baahan iney jiraan balse wakhti xaadirkan aan la shaacineyn sirta qaraddaasi” ayey tiri Sutherland.

Bad mareennadu waxay sheegeen qaaraddan sideedaad ee la helayna iney muujineyso ku dhawaad 400 sano kaddib weli inuu muuqda dadaalki Tasman loona baahan yahay baaritaannada iyo cilmi-baarista wax badan oo qarsoon lagu ogaanayo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this