Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Faratoon Oo Ku Gacan-saydhay Dalab Uga Yimi Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Yaasin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa la sheegay inuu ku gacan-saydhay qorshe ay dabada ka riixayso Xukuumadda Madaxweyne Biixi, kaas oo la xidhiidhay sidii kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada looga tuuri lahaa Cabdirasaaq Khaliif.

Xubno Xildhibaanno addeegayaal u ah Madaxtooyadda, kuwaas oo uu hoggaaminayey Xildhibaan Casoowe ayaa la sheegay inay ula taggeen Xildhibaan Faratoon qorshe ah inay Xukuumadda doonnayso in Cabdirasaaq khaliif xilka laga qaado, hase-yeeshee faratoon ayaa arrintaas ka biyo diiday,waxaanu ku war-geliyey in aanu diyaar u ahayn in uu arrintaas qayb ka noqdo.

Xoggo uu wargeyska Waaberi ka helay illo wareed-yo ayaa intaas ku darray in Xildhibaan Faratoon uu xubnaha Madaxtooyadda Abbaanadeeda ah ee uu hoggaaminayey Xildhibaan Casoowe uu si cad ugu sheegay in aanu inanka uu adeerka u yahay ka shaqaynayn dhibtiisa,maddaama oo uu yahay nin weyn,balse uu noqon doonno mid difaaca inanka uu adeerka u yahay ee Cabdirasaaq Khaliif,waxaanu sheegay in uu la safan doonno dhankiiisa.

Siyaasi Cismaan Karash oo kamid ah siyaasiyiinta ay isku deegaanka yihiin Guddoomiye Khaliif ayaa arrintaas ka hadlay waxaanu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay wado qorshahaas ay ku doonnayso inay kagga takhalusto Guddoomiye Khaliif”Waxaan leeyahay qoladda Sool clan ee uu hor-boodayo Casoowe,waxaan leeyahay Casoowow shalay ayuu Baashe ka degay,waxaan maqlayaa in raysal Barlamaan ayaan doonnayaa aad dadka ku tidhi addiga iyo wiilka yare ee shirkaddii Haas baabiiyey,ka daaya tolka fawdo iyo fad-qalalo haku furrinee “

Siyaasi Karaash ayaa oo haddalkiisa sii watta ayaa yidhi “Haddaanu nahay beesha Sool clan, hadaan faraha laga qaadin guddoomiyaha golaha wakiilada oo aan laga dayn mud-mudka iyo xumaan ka doonka,waxaanu noqon doonaa kuwii ka tashada Somaliland”

Geesta kalene Siyaasi Karaash ayaa farriin u diray Madaxweyne Biixi,waxaanu ku hanjabay in haddii Cabdirasaaq Khaliif xilka laga qaado inay maamul Gobolleed gaar ah samaysanayaan”Madaxwaynaha waxaanu leenahay golayaashan aad kicinayso kadaa, hadii kale waxa ay arintaasi noqon doontaa fowdo aanu ka tashano oo aanu samaysano maamul gobolleed noo madax banaan hadaanu HARTI nahay;

Haddii aanu nahay Beelweynta dhulbahanta dalka xilkiisa waxa aad naga siisay Ciyaaraha Caruurta iyo fannaaninta haddana waxaad dagaal kula jirta Abdirisaq khaliif, Muusow waanu kaa tashan.” Siyaasi Cismaan Karash.

Dhanka kalene Siyaasi Cali Canter ayaa isna ka hadlay arrintaas, waxaanu digniin u diray Madaxweyne Biixi,”Waxaanu ku leenahay Cabdirisaaq waanu ku midaysan nahay, wixii isaga laga yeello ayaanu yeelaynaa, halkii uu noo tujiyana waanu u tukanaynaa, ee Madaxweyne Reer ayaad tahay Cabdirisaaqna waa Reer ee Reeruhu ha kala xishoodaan.”Siyaasi Cali Cantar

Gunnaanadkii Digniintan Siyaasiyiinta dhulbahate ayaa ku soo beegmaysa xilli ay isku dayeyso Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo awood is biday inay xilka qaado Guddoomiye Khaliif, wallow la sheegay in Xildhibaan Faratoon iyo Xildhibaanno kale oo ka tirsan mucaaradku ay ku gacansaydhay qorshaha ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku doonnayso inay xilka kaga qaado Guddoomiye Khaliif,isla markaana uu u sheegay Faratoon in aanu wiilka uu adeerka u yahay ka shaqaynayn hagar-daamadiisa xilligan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this