Deeq A. Posted December 27, 2021 Xubno ka tirsan Golaha Degaanka Caasimadda Garoowe ayaa maanta oo Isniin ah u codeeyay in la iibiyo Xarunta Dowladda Hoose. Kulan ay isu’gu yimaadeen 24 xubnood oo ka tirsan Golaha Degaanka ayaa dood kadib cod loogu qaaday in la iibiyo Xarunta Dowladda Hoose ee Garoowe. 14 xubnood oo kamid ah Golaha ayaa u codeeyay in la iibiyo Xarunta waxaana diiday 10 xubnood sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. Go’aankan ayaa lagu wadaa in la hor-geeyo Kal-fadhiga soo socda ee Baarlamanka Puntland si ay u ansixiyaan. PUNTLAND POST The post Xubno u codeeyay in la iibiyo xarunta Ddgmada Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites