Sign in to follow this  
Deeq A.

“Inqilaabka Farmaajo Waa Nabar La Filaayay Oo Naxdin Maleh…” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur  Warsame ayaa sheegay in madaxweyne farmaajo uu muddo 10 bilood ah sifo sharci darro ah uu ku joogo xafiiska madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in inqilaabka Farmaajo uu yahay nabar la filaayey oo aanan naxdin laheyn.

Siyaasiga ayaa bartiisa Facebook kusoo daabacay 5 qodon oo uu sheegay in loo baahan yahay in la isla garto ayaa u qornaa sida hoose.

Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayey naxdin ma laha, waxaanse u baahannahay in aan isla garanno shantaan qodob;

1- In uusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay in uu ka soo baxo Villa Somalia.

2-  Golaha Wadatashiga Qaranka, wuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda.

3- Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla.

4- Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodda xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo.

5- Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, waa in ay RW Rooble, garab istaagaan, gaashaanna u noqdaan, si wadajir ahna uga hortagaan dhagarta uu Farmaajo maleegayo, iskana qabtaan calooshood u shaqaystayaalka uu adeegsado.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this