Sign in to follow this  
Deeq A.

Faallo: Waa maangaabnimo iyo waqti lumis in farmajo lagula doodo dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   
DR-CULUSOOW.jpg?resize=362%2C355&ssl=1

Dr. Maxamuud Maxamed Culusow

Faallo ku saabsan Baaqa fowdada ah ujeedadiisa lagu tilmaamay “Dhab U Jiheynta Doorashooyinka,” kana soo baxay Madaxweynaha sharcidarrada ah Maxamed Cabdullahi Farmajo

Farmajo waa Madaxweyne muddo xileedkiisii dhammaday hal sano ka hor, raba inuu xukunka haysto sanooyin badan, Dowlad Goboleedyda ka hirgeliyay doorashooyin musuqmaasuq ah si doorashada federaalka ugu guuleysto, isku dayay muddo kororsi labo sano ah, haseyeeshe laga diiday, taaso keentay in lagu khasbo inuu faraha kala baxo hirgelinta doorashada federaalka. Sidaa darted, ma jiro xil, awood, iyo odaynimo uu uga hadli karo arrimaha doorashada.

Qoraalka Farmajo ma cuskana qodob dastuur ama sharci ah, awood uma laha inuu farageliyo xilgudashada xukuumadda xilgaarsiinta sida ku qoran qodobka 103 ee dastuurka kmg. Ma cadda cidda loogu yeeray ka soo qaybgalka shirka iyo waqtiga la qabanayo, waxaase hadafka yahay in buuq la abuuro.

Tixraacyada ku taxan baaqa waa hadal tiro aan wax macno ah laheyn ee lagu jaahwareerinayo warbaahinta, akhristayaasha, iyo dadweynaha marka laga reebo dhalliisha ku socota RW Roble oo ah “inuu ka gaabiyay hoggaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u xilsaaray Madaxweynaha JFS” taaso caddeyneysa in Farmajo aaminsaneyn, dan ka laheyn dastuur iyo nidaamka dowladeed. Madaxweynaha uma xilsaari karo Ra’iisul Wasaaraha hirgelinta doorashada. Shaqada doorashada waxay ka mid tahay xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, RW, iyo Golaha Wasiirrada, iyo Dowlad Goboleedyada iyo Guddiyada loo xilsaaro.

Farmajo wuxuu aaminsan yahay, ka dhaadhacsan in dadka iyo dalka soomaaliyeed uu leeyahay, asaguna ka sarreeyo dastuurka iyo sharciga iyo dhaqanka wanaagsan.

Baaqa waxaa ku qoran in 14 bilood kaddib aan la dhammeystirin doorashada, asagoo aaminsan in shacabka soomaaliyeed ay ilowsan yihiin in April 12, 2021 uu ku dhawaaqay muddo kororsi labo sano ah, kaddibna April 27 lagu qasbay inuu ka noqdo, 1dii Maajo oggolaaday in RW Roble matalo dowladda Federaalka si dib loogu noqdo heshiiskii Setember 17, 2020. Xilka doorashada waxaa wadaaga Golaha Wadatashiga Qaranka. Waxaan rajeynaya in Farmajo ku dhicin cudurka hilmaanka.

Waa maangaabnimo iyo waqti lumis in farmajo lagula doodo dastuurka, sharciga, iyo nidaamka dowliga waayo qoraalladiisa, hadalladiisa, iyo dhaqankiisa midkoodna ma waafqsana dastuurka, sharciga, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo. Baaqa uu soo saaray wuxuu la mid yahay baaq ka soo baxay qof afminshaar ah, aan dowladnimada waxba ka aqoon, xil hayn, fadhi ku dirirka jooga. Baaqa wax nuxur iyo wax ka soo qaad midna ma lahan.

Xukuumadda RW Roble waxaa ansixiyay Golaha Shacbiga. Sidaa darted, waxay haysta sharciyad ilaa barlamaanka 11aad ka doorto Madaxweyne magacaaba RW cusub ee Barlamaanka Federaalka ansixiyo. Markaas ayuu dhammaanaya muddo xileedka Xukuumadda Xilgaarsiinta RW Roble.

Waa jirta in muddada 6da biloodka ee Golaha Wadatashiga Qaranka ah ay mas’uulka ka ahaayeen inaysan qaban shaqo badan ee laga rabay, haseyeeshe 100% dib u dhaca dhacay ku yimid buuqa Farmajo ka abuuray dilkii Sarkaalad Ikram Tahliil Faarax oo socda ilaa maanta iyo arrimo kale ee horey loo sheegay.

Waxaa la yaab ah in Maxamed Mursal oo muddo xileedkiisa dhammaaday, tagay Baydhabo, mar kale doorasho u galay kursiga barlamaanka 11, weli aan la dhaarin uu fagaaraha la soo istaago inuu yahay guddomiye barlamaan. Waa arrin dhaaftay waali iyo ku tumashada dastuurka iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaa xaqa ah in haddii Maxamed Mursal sheegto guddoomiye barlamaan lagula dhaqmo sharcidarrada uu aabaha u yahay.

Dhalliynaryrada Soomaaliyeed waa inay ka dhiidhiyaan, marna aqbalin in lagu barbaariyo dhaqanxumada iyo sharcidarrada dowladnimada. Haddii loo dulqaato dhaqanxumada 5 sano ee la soo dhaafay meelmartay, waxaa laga dhaxli doona mustaqbal xumo iyo mahadho taarikheed.

Waxaa muhiim ah in dadweynaha Soomaaliyeed ogaadan in Madaxweyne sharcidarra ah uusan u sheegi karin go’aan iyo tallaabo sharcidarro ah inay yihiin sharci. Darajooyinka uu Farmajo maanta bixiyay waa sharcidarro sida ku cad qodobka 90 ee dastuurka kmg.

Waxaa la yaab ah in Madaxweyne aan aqoonsaneyn dhammaadka muddo xileedkiisa ku xusan qodobka 91 ee dastuurka, uu ku doodayo dhammadka muddada dekretada lambar 30 ee ku saabsan doorashada 2020/2021. Waa la jiifiya iyo la joojiya bannaan.

Shaki la’aan ujeedada rasmiga ah ee Baaqa Madaxweynaha sharcidarrada ah Farmajo ka soo baxay maalin ka hor maalinta Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta dowladda Federaalka Inj. Maxamed Xussein Roble isugu yeeray shir Golaha Wadashatiga Qaranka, waxay tahay fawdo abuur iyo awood moroorsi cirka ku shareereysa xasiillooni darrada dalka ka taagan iyo carqalateynta saxitaanka doorashada boobka ah.

Baaqa Farmajo wuxuu dabajooga hadalkii Madaxweyne ku Xigeenka DG Hirshabelle iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed ku sheegeen in doorashada dadban ay tahay doorasho ay bannan tahay in dowladda goboleedka boobaano sida ay rabaan, iyo ka dabaaqtan isbeddelka lagu sameeyay guddiga xallinta khilaafaadka doorashada iyo guddiga doorasahda federaalka oo ahaa xilguadashooda la dhalliilay, iyo dhaleeceyntii Taliyaha Ciidanka Badda u soo jeediyay RW Roble oo Farmajo ka dambeeyay.

Baaqa Farmajo ma xusin go’aankii Golaha Watashiga Qaranka ee 27 Maajo 2021 oo lagu dhaqangeliyay go’aankii 17kii setember 2020, isla markaana lagu oggolaaday mas’uuliyadda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Waxaa nasiib darro in Farmajo u jiheeyo shacabka Soomaaliyeed jihada uu rabo iyo marka uu rabo asagoo aan dastuur, sharci, iyo dhaqan maamul dowladeed raaceyn, taaso dhaawaceysa maslaxadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Madaama uu Farmajo laheyn awood dastuur iyo sharci uu isugu yeero shir looga wada hadlayo doorashada federaalka iyo xubno aan shaqo ku laheyn qaybgalkooda, Ra’iisul Wasaaraha iyo Mucaaradka Soomaaliyeed iyo inta jecel ilaalinta dowladnimada waxaa la gudboon inay iska qabtaan kuwa raba in danahooda iyo xaquuqdooda xoog ugala wareegaan, kuna takrifalaan siday rabaan.

Talo:

Guuxa dadweynaha wuxuu sheegaya in shakhsiyaad bulshada Soomaalieed qaddarin u ahayaan ay taagerayaan fowdada Farmajo si loogu magacaabo xilka RW ama xil Golaha Wasiirrada. Waxaan huba in cid kasta oo taagerta fowdada iyo gabadhacleynta Farmajo ay ku ceeboobi doonto waayo shacabka soomaaliyeed ma oggolaanayo in Farmajo sharcidarro ku xukumo. Shakhsiyaadka magacyadooda la wareejinayo waxaa ka mid ah:

1. Madaxweyne hore Sheikh Sharif Sheikh Axmed
2. RW hore Cali Maxamed Ghedi
3. Wasiir hore cabdiraxman Caynte
4. Xildhibaan hore Mahad Salad
5. Safiir Cawaale Cali Kulane
6. Agaasime Guud hore Cabdirizaaq Aadan

Waxaan rajeynaya in wararkaas been yihiin, haseyeeshe waxaan ogahay in dad badan loo sheegay warkaas.

Dr. Maxamud Maxamed Culusow

The post Faallo: Waa maangaabnimo iyo waqti lumis in farmajo lagula doodo dastuurka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this