Sign in to follow this  
Deeq A.

Maansadan akhri Abwaan Tarabi ayaa madaxweynaha maanta kula hadlaaya

Recommended Posts

Deeq A.   

MAANSADDAN AKHRI ABWAAN TUUG TARABI BAA MADAXWEYNAHA MAANTA KULA HADLAYA
Diinaari.jpg

IMG-20211226-WA0000-1024x576.jpg

Mudoba Hugun mooye eh
Dibna hadal dhaafayo oo
Hawadda ii gali ma jirin
Hambarosho wey igu badneyd
Hubsiino igumey yareyn

Samirna kama heeso dhigin
Baxnaanona kagama hadhin
Hankeygana wax isma dhimin
Hubkeyguna waa ii dhamma

Indhaha waan kala hayoo
kor baan wax u hidinayo
Hoos baan wax eegayoo
Ujeedadan hadafka baddan.

Hab dhacu wuu ii muuqdaye
Waxaan uga hooto dhigey
Hortaaddey iman bishuye
Adiga yaan habeen wax saar
Hal-heys yaan laga dhigan.

Haddey hangaleysato
Habeenana yeelatoo
Welina heedadowsan tahey
Inaan holadda haboon

Heegadda u faashaddey
Dirirkii naaf buu hadhsaddey
Madhan buu heybsaddaa
Hog cirir buu saxal-kii galley.

Intaan haanta u lixgaxey
Afarta ma isku hilley
Halmaan igama tagee
Hilinkeedii Ma marey

Hafarka Coomaddaha
Hudhmadda baas aanu geyin
Samadda la heehabayow
Halkaad cadho dhigan laheyd
Hadhowto ku cuni laheydd
Geel toosiye hangagaariyo
Haad ka adag ku qarsoon
Warkeedana aadan heyn
Galeydh yaa ka Hor-marey

Hanfadde tukkow hanfadde
Xuunsaddi wey Hanbartayoo
Hadeer wey toostey eh
Sidii hore ha ug iman.

Hulufaaga yaacayow
Wiishiiri Haloosiyow
Wiiriro Habeen-Santiyo
Geel yeel Heli Meysidde

Hantiddu Maahe Taddcaar
Libaaxyo Hurddaa jiree
Hunguri Yuu Kula Galin

Dariddan Halaaggane
Dugaaga Horboodeyse
Iminka Hororowddey ey
Wabbarkii MA Hawl gab Baa.

Hamsiyo hoos-dhaban waxmaleh
Higaadda midduun u daa
Haatufka noo sheegayow

Halkaan uga xero dhigiyo
Halkaad uga heesay-saa
Heblaa’ay wey kala fogyihiin.

Hoodada shaashowdayey
Ayaankii lagugu helley
Hanaankii u sabab ahaa
Hangooladdii mey dhamaan.

Intaan haanta u lixgaxey
Afarta ma isku hilley
Halmaan igama tagee
Hilinkeedii Ma marey

Hogoshaan moodey iney
Habeen hore biyo dhacddey
humaagii kugu ladhnaa
Habaas uu show ahaa
Haraad baa kugu dir jirey.

Hilaaca beenowbeyow
Horseed xumo awadeed
Hayaan baa kugu lugo’ey

Haleeladda oloshee
Siddey u hiigmayeen
Hilibkeeddii gurmey
Haneedkaaga qalaley

Horweynka is nuugaye
Gabaaraddey heerinka ah
Takartu u heshiisayow
Hadhuubkaaga en-gagey

Hoostitsa dhicisayey
Hore iyo Alle-qabad dilyey
Waraabiyo Haad cunyey
Hal-doorkeeddi eedayey

Hibadda Shaashowdayey
Hibadda Wedkeed galley
Habeen sow kuma dummin
Hay-baddan korinayay.
Hayinka fadhistayaw
Hogaanka kugu wacan

Nasiibka halaabayow
Nabsi Baan ka hadhey.
Jaceylka hungoobeyow
Hengel baan kaga xidhey

Haldhaa quruxduu lahaa
Habeen qudha daadiyow
Hadhowtaad baadi doon
Huqdeedda ku daaley
Sidaad u heshaase adagg

Intaan haanta u lixgaxey
Afarta ma isku hilley
Halmaan igama tagee
Hilinkeedii Ma marey.

Hordhaca aan laasano
Hanbadda yaan naloogu iman
Hiddiyo dhaqan mey aheyn.

Hilbuhu waa sar iyo duud
labaddaba heysata oo
Hadhadda’a uus miirta oo
Hugufka maad is dhaafisaan

Dadkuba waa isu hoyan jiree
Hadaadse naga seexaateen
Hurdadda yaan nalaku mirin

Waa Maxey hagardaamadiyo
Halbowlo ka toogashaddu.

Hogasha xun wey dhacddo
Hawaarina wey jirtoo
Hayaan dheer la soo maryo
Hamuun iyo baahi xumi
Hunguri waa jiri-jiree
Xishood baa la huwanaa

Cuqudabadda lagu hodmaa
Hoog iyo ceydh lagu hubaa
Haddimo la kala galaa
Habaar lagu galabsadda
Hoygii taas lagu galaa
In-shaaraddu ku habsataa

Dhaqalaha hoobtey iyo
Hantida dabar goosatey
Halkaad baadida u tahey
Ishaa lagu wadda hayaa.

Haddeed iyo waa hadeed
Hadhow iyo waxii u nool

Hibaaqey waa kalgacal
Hal fadhigeed waxaan murtidda
Hal-abuur ka da’a weyn.
Hawraarta ugu wanqalley

Miyaan ku reebey hadal
Dardaarana kuma hadhin
Amaana kumaan hanbeyn
Hambalyaana kaga taggey.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this