Sign in to follow this  
Deeq A.

TikTok oo Sanadkan 2021 kaalinta koowaad ka qaaday Google+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

TikTok oo Sanadkan 2021 kaalinta koowaad ka qaaday Google+Sababta

TikTok on a mobile

TikTok ayaa kaalinta koowaad ee baraha internet-ka loogu isticmaal badan yahay ka qaaday shirkadda Google oo kaalintaasi heysatay toban sano oo xiriir ah.

Bartan muuqaallada la iskula wadaago ayaa ka caansan barta Google ee wax laga baaro, sidalaga soo xigtay Cloudflare, oo ah barta ammaanka teknolojiyadda.

Xogta ayaa muujineysa in TikTok uu Google ka saaray booska koowaad bishii February, March iyo June ee sanadkan, uuna booska koowaad qabtay tan iyo bishii August.

Sanadkii la soo dhaafay Google ayaa kaalinta hore ku jiray, iyo dhowr baraha internet-ka oo ay ka mid yihiin TikTok, Amazon, Apple, Facebook, Microsoft iyo Netflix oo dhammaantood soo galay kaalmaha 10.

Cloudfare ayaa sheegtay inay isticmaasho aaladdeeda kormeerta isticmaalka baraha internet-ka.

Social media icons

Waxaa la rumeysan yahay in mid ka mid ah sababaha ay u sii kobceyso caannimada Tiktok ay tahay musiibada Corona, maaddaama bandowga awgii ay dadku guryaha ku xayirmeen ayna baadigoob u galeen waxyaabo ay ku madadaashaan.

Iyadoo bishii July ee sanadkan, App-ka TikTok ayaa la soo dejistay in ka badan saddex bilyan oo jeer, sida laga soo xigtay shirkadda xogaha ee Sensor Tower.

Shirkaddan baraha bulshada, ee ay leedahay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Bytedance, ayaa haatan waxaa isticmaala in ka badan hal bilyan oo qof oo daafaha dunida ku kala nool, tiradaas ayaana sii kordheysa.

Gudaha Shiinaha, si loo ilaaliyo shuruucda waxaa shirkaddan looga yaqaannaa Douyin.

Douyin waxay markii ugu horreysay soo baxday bishii September 2016. Sanadkan, Shiinaha ayaa soo saaray amar ah in dadka ay da’dodu ka yar tahay 14 loo oggolaan doono inay bartaasi isticmaalaan 40 daqiiqo maalintii.

Cabsi ammaan

TikTok waxaa si rasmi ah loo furay sanadkii 2018, kaddib markii uu ku milmay shirkad kale oo Shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo, Musical.ly, oo ah barnaamij dadka u oggolaanaya inay heesaha qaab jilitaan ah u qaadaan.

Shirkadda ayaa waxaa la soo gudboonaaday caqabado badan. Sanadkii 2019, si ku meel gaar ah ayaa looga mamnuucay Hindiya, shirkad wax baarta oo Mareyanka laga leeyahay ayaa sheegtay in Musical.ly ay oggoshahay waxyaabaha ay soo dhigaan da’yarta waxaana lagu ganaaxay £ 4.3 milyan.

Shirkaddan oo noqotay App-ka ugu caansan Shiinaha, siyaasiyiin iyo shirkado kale ayaa walaac ka muujiyay ammaanka shirkaddan.

TikTok ad in China

Sanadkii la soo dhaafay TikTok ayaa lagu qasbay inay ka falceliso inay maamusho dowladda Shiinaha.

Theo Bertram, oo ah madaxa siyaasadda bulshada ee TikTok dalalka Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa sheegay inay diidi doonto dalab walba oo uga yimaada Shiinaha oo ay xogta dadk aisticmaala ku dalbaneyso.

App-kan waxaa la iskula wadaagaa muuqaallo gaagaaban, madadaalo, qoob ka cayaar iyo siyaasad.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this