Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Federaalka oo ka hadashay eedeynta loo jeediyay Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   
VideoCapture_20211225-195805.jpg?resize=

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay eedeynta dhul boobka ee loo jeediyay Ra’iisul Wasaare Rooble in ay tahay mid looga gol leeyahay xagal daacinta doorashooyinka uu hormuudka u yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

Xukuumadda waxay tilmaantay in eedeyntaas loo adeegsanayo saraakiil iyo xafiisyo dowladeed, hase ahaatee si caddna uma sheegin cidda ka dambeysa.

Xukuumaddu waxay xustay in eedeyntaas ay marnaba Ra’iisul Wasaare Rooble ka weecin doonin ka miro dhalinta yoolka ah in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo la isla oggol yahay.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-cadaala ayaa shir jaraa’id kaga hadlay arrintan.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Federaalka oo ka hadashay eedeynta loo jeediyay Rooble appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this