Sign in to follow this  
Deeq A.

“Madaxweynuhu Waxa Uu Ku Tumanayaa Sharcigii Iyo Dastuurkii Ummaddu Ku Heshiisay….” Guddoomiye Xirsi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa eedaymo u jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi sida tan:

“Madaxweynuhu waxa uu ku tumanayaa sharcigii iyo dastuurkii ummaddu ku heshiisay, ee isaga laga doonayey inuu ilaaliyo oo uu dhawro. Hadalkiisii shalay iyo kii uu u soo dhiibay Wasiirkiisa Warfaafinta, labaduba waxa ay daliil u yihiin in Madaxweynuhu meel iska saaray sharcigii dalka ee uu Madaxweynaha ku ahaa, isaga oo doonistiisa shakhsiga ahna doorbiday ilaalinta sharciga dalka.

Madaxweynuhu sida aynu ognahay wuxuu ku ololeeyey sarreynta sharciga, balse 4 sano oo uu joogay waxa uu caado ka dhigtay ku tumashada sharciga iyo faro-gelinta Haayadaha dastuuriga ah ee Dalka.

Madaxweynuhu waxa uu farriin faro-gelin qaawan ku ah Golaha Wakiillada u soo dhiibay Wasiirkiisa Warfaafinta, kaas oo warbaahinta si cad uga sheegay isaga oo ku hadlaya afka Madaxweynaha inuu dhaqangal yahay wax-ka-beddelka iyo kaabista  xeerka nidaamka Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta qaranka oo Golaha Wakiillada hor yaalla, taasina waxa ay ka soo horjeeddaa qodobka 37aad ee dastuurka Somaliland oo caddaynaya kala madax-bannaanaanta haayadaha Qaranka.

Haddana, Madaxweynuhu waxa uu mar kale ka hadlay Xeer 14, oo weli hor yaalla Golaha Wakiillada, isaga oo sheegay inuu isagu saxeexay Xeerkaasi, balse Golaha Wakiillada waxa hor yaalla Xeerka uu Madaxweynuhu leeyahay waan saxeexay oo uu isagu ku soo celiyey Golahaasi, isaga oo soo raaciyey soojeedin la xidhiidha in ay wax ka beddelaan qodob Xeerkaasi ku jira oo Dastuurka ka hor imanaya. Haddaba, waa yaabe ma laba Madaxwayne ayaa dalka ka jira? Mid xeerka saxeexay iyo mid Golaha Wakiillada ku soo celiyey!

Markaa Madaxweynuhu waxa uu u muuqdaa inuu ku dawakhay hoggaamintii dalka, taladii sharci-yaqaannadana aanu qaadanayn.

Mudane Madaxweyne, dalka fawdo ha gelin, inaad xeerkii ku hor yaallay aad Golaha Wakiillada ku soo celisaa waa awood aad leedahay, hase yeeshee inaad ka daba timaaddo awood uma lihide waa fawdo, waa jaah-wareer kaa muuqda inaanad fahamsanayn xeerarka iyo dastuurka ama aanad dan ka lahayn.

Madaxwayne, shacbdigan sicir-bararka iyo abaaruhu ku habsadeen ayaa ku sugaye e, intaad yooyootanka ka baxdo dadkaaga u shaqee, doorasho Madaxwayne na ka shaqee, haddii aad fawdo ku sii socoto dalkani halis buu gelayaa ee masuuliyadda fawdadaas ka dhalata u diyaar garow.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this