Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddigii loo saaray dhulka ciidamada badda oo go’aan garaay balse la cadaadiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay go’aan gaareen guddigii uu taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage u saaray inay baaraan dhulka ciidamada badda ee la sheegay in la boobayo.

Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ka yaabiyey Soomaalida 20-kii bishan kadib markii uu si cad Ra’iisul Wasaare Rooble ugu eedeeyey inuu boobayo dhulkaas, ayada oo kadib ay soo baxday in arrintan ay qeyb ka tahay dagaal cusub oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa isla 21-kii bishan magacaabay guddi baara arrintan kuwaas oo kala ah:

1. S/guuto Maxamud Sheikh Cali Maxamed, Guddoomiye
2. S/guuto Maxamed Tahliil Biixi, Guddoomiye ku-xigeen
3. S/guuto Maxamed Xaashi Guuleed, Xubin
4. S/guuto Maxamed Xasan Raage, Xubin
5. S/guuto Cabdullahi Warsame Siyaad, Xubin 

Sida aan xogta ku helnay, guddigan ayaa gaaray go’aan ka kooban laba qodob oo kal ah:

1- In Ra’iisul Wasaare Rooble uusan wax shaqo ah ku laheyn dhul boobka lagu eedeeyey

2- In Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir uu meel weyn uga dhacay sumcadda ra’iisul wasaaraha, sidaas darteedna xilka laga qaado.

Si kastaba, guddiga ayaa laga hor-istaagay inay shaaciyaan go’aankooda, kadib cadaadis xooggan oo kaga yimid madaxtooyada Soomaaliya, oo markii horeba la rumeysnaa inay ka dambeysay weerarka lagu qaaday shaqsiyadda Rooble.

Xaqiiqda dhulka

Sida uu sheegay Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir, waa dhab in dhulka ciidamada badda la bixiyey oo la siiyey shaqsiyaad kale, hase yeeshee waxaan xog ku helnay inuu bixiyey madaxweyne Farmaajo.

Madaxtooyada ayaa dhulkan siisay ganacsade soo dejiya baaburta oo lacag dhowr milyan oo dollar ah ku lahaa, si uu lacagtaas beddelkeed ugu qaato.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu dhowr mar ka joojiyey ganacsadaha inuu dhulkan dhisto, hase yeeshee Rooble ayaa intii uu madaxweyne Farmaajo ku maqnaa safarka Turkiga u sheegay inuu u ogolaado, sababtuna ay tahay in madaxweynaha uu sidaas amray.

Hadalkaas Rooble ayaa la sheegay in kooxda madaxweynaha ay uga faa’iideysteen inay taliyaha ka dhaadhiciyaan inuu sidaas warbaahinta ka sheego.

Dhulkan ayaa banaanka usoo saaray khilaaf cusub oo mar kale ka dhex-qarxay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, kaasi oo dadka siyaasadda fallanqeeya ay ku macneeyeen inuu noqon doono mid uu midkood ku baxo markan. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Guddigii loo saaray dhulka ciidamada badda oo go’aan garaay balse la cadaadiyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this