Sign in to follow this  
Deeq A.

Tafsiirka Sharci ee Aadan Xaaji Cali Horyaala. Ma yahey mid waafaqsan iney Maxkamaddu ka garnaqdo. Iyadoo

Recommended Posts

Deeq A.   

Tafsiirka Sharci ee Aadan Xaaji Cali Horyaala. Ma yahey mid waafaqsan iney Maxkamaddu ka garnaqdo. Iyadoo shir-Gudoonka Golaha wakiiladdu u gudbin. Sharci yaqaanadda Golaha la shaqeeya tafsiirkoodii sharci wey sheegeen.

Markaa hadii hay’addaha kala madaxa banaan la isku dhexqaadsiiyo iyadoo madaxdoyaddu ka dayeyso daneysi siyaasadeed oo ku saleysan cimri dheerar lagu raadinayo muddo kordhin.

Maxkmadda sare ma waxey noqon doonta xafiis ka furan Qasriga madaxtoyadda mise wey ka gaabsan doonta op xeerarka golaha dhexyaala waxey ku soo celin doonta golaha.

Shacabku waxey u dheg taagayaan. Go’aanka Gudomiyaha Maxkamadda Sare inu noqdo mid la safan. Madaxweynaha oo siduu doonayo Madaxweynuhu xeerku isagu soo celiyey u xalaaleeya.

Taasina waxey keeneysa waxyabahii #Muj_Cali_Gurey sheegey ee ahaa. Madamaa madaxweynu isku xeerey inamo degaankiisa ka soo jeedda. Kuwaaso midna sharcigii dalka halki ugu sareysey fadhiyo. Midna ciidankii qaranka hogaaminayo. Midna lacagtii dalka iyo cashuurtii umadda maamulayo.

Sidda Cali gurey sheegeyna ey tahey xukumaddi ugu horeysey ee Madaxweyne Somaliland xilalkaas oo dhan degaankiisa ka dhigey. Isagoo eynu YouTube ka ka daawaney Madaxwyne Muuse oo madaxweyne Cigaal ku dhaliilaya. Ma in isku caaqil ah oo isku suldaana baad talaadii qaranka gacanta u wadda galisey.

Nuxurku waxu ku soo ururayaa natiijadda iyo go’aan qaadashadda Maxkamadda sare. Iney iska beri yeesho oo xeerkan Golaha faraha uga qaado ama Tasfiirka sharciga ee garyaaqanadda golaha soo jeedintoodda ixtiraamto.

Waayo xildhibaanadda xeerkan maxkamadda sare kula cararey waxey ogyihiin in aaney golahaa ka dhex helin karin cod aqlabiyadda ey golaha ku jiidhsiiyaan ugu yaraana waxa laga rabaa 55 xildhibaan.

Ujeaadaduna waa in sidda madaxweynuhu doonayo maxkamaddu soo saarto. Taasina waa fowddo qaranka loo horseedayo. Sharcigiina laga dhigayo hadba sodda danta siyaasadda madaxtoyaddu rabto.

Waxaanse qabaa hadii Maxkmaddu qaado dariiq khaldan oo sharci in aan la isu joojineyn asxaabta qaranka iyo shacabkuna ka tashan doonaan xukun maroorsiga xukumadda Madaxweyne Muuse gadhwadeenka ka yahey ee ku rafaneysa in aan dalkan doorasho ka dhicin 13 Nov 2022.

Bal aan dhowrno waayaha.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this