Sign in to follow this  
Deeq A.

Qof aan Dagaal Arkin Baa Colaad Ku Baaqa

Recommended Posts

Deeq A.   

Dad badan aan 1991kii Xamar joogin ayaa hadda ku baaqaya colaad. Waxaan la yaabay laba baaq colaadadeed oo ka kala timid Fowzi Cabdi Caluuq iyo Xasan Mudane. Fowzi ma joogin Xamar 1991kii markii USC Muqdisho qabsatay oo ka dhigtay meel hantidii dadka iyo dalka lagu burburiyay. Xasan Mudane xilligaas maba dhalan.

Fowzi wuxuu ku faanay “adoo kor fuula kaare weyn ma kaaga kacshay kaarabiin” Markaas Fowzi tababbar sare ayaa ugu soo dhammaaday kulliyadda ciidammada badda ku taal Talyaaniga, siduu marar badan sheegay. Fowzi ma aha qofkii sheegan lahaa inuu ka mid ahaa ururkii USC oo aabbihiis dilay. Xasan Mudane isagu wuxuu barbaaray sagaashanaadkii. Wuxuu soo jeediyay in dagaal fursad la siiyo isagoo ka shidaalqaadanaya Edward Luttwak.

20211223_144138.jpg?resize=816%2C1381&ss

Da’ ahaan Fowzi iyo Xasan Mudane waxay kala weyn yihiin dhowr iyo soddon sano meelahaas laakiin waxay wadaagaan durbaanka colaad ay maqleen. Xasan Mudane wuxuu farriinta soo diray isagoo ku jira safar ku sii socda Toronto oo ah meel dad badan oo Soomaaliyeed ka heleen magangelyo dagaalka sokeeye awgiis.

20211223_144232.jpg?resize=768%2C721&ssl

Muqdisho waa magaalada keliya adduunka ay dad ku nool yihiin guryo laga boobay dadka leh. Waa sababta maanta weli Muqdisho u noqon la’dahay caasimad qaran u dhiganta caasimadaha kale. Xasan Mudane iyo Fowzi waa tusaalaha in **********nimo weli loo han weyn yahay waayo qurbejoogga badankiis way hilmaameen rarankii colaadda.

Xasan Cali (Arios)

The post Qof aan Dagaal Arkin Baa Colaad Ku Baaqa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this