Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Khaliif Oo Shir Doceed La Yeeshay Qaar Kamid Ah Xildhibaannadii Dacwadda U Gudbiyey Maxkamadda Sarre Iyo Qoddobada Ay Ka Wadda Hadleen.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa la sheegay inuu kullan la yeeshay qaar kamid Xildhibaannadii shalay maxkamadda Sare u gudbiyey dacwaddii la xidhiidhay xeerka furista ururrada iyo axsaabta,kaas oo khilaaf ka dhex abuuray Xildhibaannada Golaha si ay Maxkamaddu ugu samayso tafsiir sharci qoddobada la isku hayo.

Kullankan laba geesoodka ahaa ayaa xoggo uu Wargeyska Waaberi ka helay illo wareed-yo rasmi ah waxay sheegeen in Guddoomiye Khaliif iyo Xildhibaannada uu la kulmay ay kagga wadda hadleen qoddoba dhawr ah, kuwaas oo ay kamid ahayeen sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ka dhex alloosan Xildhibaannada Golaha,isla markaana looga dheeraan lahaa wax kasta oo sii hurrin karra khilaafkaa.

Waxa kaloo, illaha Wargeysku xogtan ka helay ay intaa ku dareen in kullanka ay Guddoomiye Khaliif iyo Xildhibaannadu yeesheen ay isla qateen,qoddobo ay kamid yihiin in xeerka ururrada iyo axsaabta ee hadda murranka dhaliyey, maddaama oo uu soo diiday Madaxweynuhu,isla markaana uu soo raaciyey sababaha uu ku diiday in loo raaco jidka sharciga ah,Hase-yeeshee aan loo baahnayn in hadda wakhti lagu lumiyo,balse loo baahan yahay in Golaha Wakiilladu uu qabsado hawlihiisa kale ee horyaal wakhtigan,kuwaas oo ay ugu horeyso miisaaniyadda Qaranka iyo ajandayaasha kale ee xilligan ku jira kal-fadhigan,waxaanay xogguhu ay intaas ku darreen in Guddoomiyaha iyo xubnaha la kulmay ay isku waafaqeen sidii Golaha Wakiilladu guud ahaan uu uga foggaan lahaa wax kasta oo khilaaf u keenaya dalka wakhtigan,isla markaana kale foggaynaya Bulshada.

Dhanka kalena kullankan ayaa la sheegey inuu ku soo gaba-gaboobay is afgarad iyo jawi deggan,waxaana la sheegay in fadhiga Golaha Wakiilladu uu si habsami ah u furmi doonno maalinta sabtida 25 bishan December 2021-ka ,Ma jiro War kasoo baxay labada dhinac oo si cad daboolka uga qaaday ujeedada iyo maxsuulkii kasoo baxay kulankaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this