Deeq A. Posted December 22, 2021 Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin iyo wada-hadal. Wasiir Gallan ayaa sheegay in dowladda Puntland diyaar u tahay xabbad-joojin iyo wada-hadal si loo dhammeeyo xiisadda dagaal ee ka aloosan Boosaaso. Cabdisamad Gallan ayaa tilmaamay in dowladda ay xiriir la soo sameeyeen dad kala duwan oo Isimo iyo culimo ku jirto islamarkaana ka codsadeen in xabbada la joojiyo oo wada-hadal lagu xalliyo is-marin-waaga taagan. Dhinaca kale wuxu dagaalka ku eedeeyay ciidamada taabacsan Agaasimihii xilka qaadista lagu sameeyay ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku dhawaaqday xabbad-joojin iyo wada-hadal appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites