Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Puntland Oo Ku Dhawaaqay Xabadjoojin

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Wasiirka Amniga maamul gobolleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin ka dhaqan gasha magaalada Boosaaso.

Cabdisamad Maxamed Gallan Wasiirka Amniga Puntland oo shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu diyaar u yahay wadahadal in lagu dhammeeyo khilaafka sababay dagaalka Boosaaso.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo ka mid ah Isimada Puntland ayaa sheegay in labada dhinac aqbaleen xabad joojin iyo wada hadal.

Magaalada Boosaaso ayaa dagaal ka dhacay maanta waxaa ku dhintay dad badan oo rayid ah, waxaana ka mid ah dadka ku dhintey saddex qof oo isku qoys ah.

Wararka waxa kale oo ay sheegayaan in dadka ku dhintay uu ka mid ahaa wadaad caan ka ahaa magaalada Boosaaso oo Imaam ka ahaa masjid ku yaalla magaalada.

Boqolaal qoys ayaa ka barakacay guryahooda iyadoo dadkaasina ay ka baxeen magaalada Boosaaso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this