Sign in to follow this  
Deeq A.

Boosaso: Puntland iyo PSF Oo Loogu Baaqay In Ay Dagaalka Joojiyaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa isasoo taraya baaqyada iyo walaaca laga muujanayo daagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Boosaaso.

Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha ee Puntland ayaa baaq ka soo saaray dagaalka ka socda magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga dowlad gobaleedka Puntland.

Difaacayaasha xuquuqda aadanaha ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaalka ka socda magaalada ee u dhaxeeya ciidamada kawada tirsan Puntland.

Labada dhinac ee dagaalka uu ku dhexmarayo magaalada Boosaso ayaa loogu baaqay in ay is-xakameeyaan oo xaaladda nabad lagu soo dabaallo.

Waxaa sidoo kale baaq ka soo baxay xafiiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland loogu baaqay in laga digtoonaado waxyeelada dadka shacabka ah dagaalka ka soo gaareyso.

 

Bossaso-Pr.-Release-scaled.jpg

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this